Muqdisho (INO)-War goordhow ay baahisay Dowlada Kenya ayaa waxaa lagu sheegay in gudaha dalkeeda ay galeen Dagaalyahaano ka tirsan Al-shabaab oo ku hubeysnaa Hubka noocyadooda kala duwan.
Warbixin kooban oo kasoo baxday Dowlada Kenya ayaa waxaa lagu sheegay in Dagaalyahaanada ay tirro ahaan gaarayaan ilaa 50 Dagaalyahaano oo qeybo kala duwan ku takhasusay.
Dowlada Kenya ayaa sheegtay in cabsi xoogan ay ka qabto in Dagaalyahaanadaasi ay weeraro ku qaadan Xarumaha Dowlada gaar ahaan Garoomada iyo Goobaha waaweyn ee ganacsiga.
Saraakiisha amaanka ayaa sheegay in xiriiro kala duwan oo ay la sameeyeen dhowr jiho lagu xaqiijiyay in qeybo kamid ah Kenya lagu arkay Dagaalyahaano aad u hubeysan.
Dhanka kale, Saraakiisha iyo Ciidamada Kenya ayaa iminka la galshay heegan buuxa, waxaana jira cabsi lixaad leh oo soo foodsaareysa dadka shacabka ah.
Idale News Online, Muqdisho