Al-shabaab oo labo dhalinyaro ah ku toogatay gobolka Hiiraan

0
228

Buq-Aqable(INO) – Al-Shabaab ayaa subaxnimadii hore deeganka Buq-Aqable ee gobolka Hiiraan ku toogtay laba wiil oo dhalinyaro ah oo ay ku eedeeyeen in ay ka tirsanaayeen ciidamada dowladda ee gobolka Hiiraan.

Maxkamad ay Al-Shabaab ay leeyihiin ayaa labadaasi nin ku fulisay xukunka dilka ah sida ay Warbaahinta u sheegen goobjoogayaal ku sugan gobolka Hiiraan.

labada nin ee la toogtay ayaa kala ahaa Axmed Yuusuf Xasan oo da’diisu tahay 26 Sano Jir iyo iyo Axmed Nuur Cabdi Cosoble oo da’diisu tahay 20 Sano Jir ayaa lagu toogtay degaanka Buq-Aqable ee gobolka Hiiraan.

Ugu goobta ay ka dhaceysay toogashada ayaa waxaa goobjoog ka ahaa boqolaal qof oo ay Al-Shabaab ku wargeliyeen in ay usoo daawasho tagaan toogashada labadaasi nin oo ay Al-Shabaab sheegeen in ay la shaqeynaayay ciidamada dowladda Soomaaliya ee kusugan gobalka Hiiraan.