Al-shabaab oo la Ogaaday goobaha ay Magaallada Muqdisho uga dhuuntaan iyo meelaha laga hago weerarada

0
183

sss

Xog laga helay Sarkaal ka tirsan Alshabaab oo usoo goostay dhanka Dowladda Somalia ayaa waxa uu sheegay in Xoogaga Alshabaab ee ku dhex-jiro gudaha Magaallada ay ku dhuumaaleystaan goobo muhiim ah oo aan laga filaneynin.

Sarkaalka waxa uu sheegay in Maleeshiyadu ay ku dhuuntan Xaafado ay kamid yihiin Xararyaale, Kaaran, Buulo-xubeey oo ah goobaha laga haga dhibaatooyinka ay shacbiga u maleegayaan.

Sidoo kale, waxa uu Sarkaalka sheegay in Maleeshiyadda ay sameysteen Dhalinyaro ku dhex jira Bulshadda iyo kuwo ganacsadda, oo ay kamid yihiin kuwa wax ku iibiya Dukaamadda ku horyaala Saldhigyadda iyo Xirooyinka Ciiddamadda iyo Xarumaha ay ku sugan yihiin Saraakiisha Reer galbeedka.

Wuxuu sheegay in Weerarkii ugu dambeeyay ee ka dhacay Xarunta UNDP laga hagay Dukaamadda kasoo horjeeda oo uu ku sheegay in marka weerarka uu soo dhawaaday ay ka baxeen dhalintii hageysay weerarka.

Ugu dambeyntii, Waxa uu ka shanqariyay in Dowladda Somalia aysan ku baraarugsaneyn in Maleeshiyadda Alshabaab laga hago goobaha ganacsiga ee ku horyaala Xarumaha Dowladda oo marka weerarka la fulin rabo ay ka baxaan dadkii hagaayay.

Idale News Muqdisho