Garoowe (INO) – Kooxda Al-shabaab ayaa waxaa ay ku Xoogeysatay Deegaanada Puntland, waxaana ay taasi Baqdin ku Abuurtay Kooxda C/weli Gaas oo sheegay in qof walba oo ka mid ah iyaga la dili doono hadii aysan ka Hortegin.
Gudoomiye Ku xigeenka Qeybta Mudug ay ka joogaan Axmed Muuse Nuur ayaa sheegay in Al -shabaab ay kusii Xoogeysanayaan Deegaanadooda.
Axmed waxaa uu sheegay in la dilayo qof kasta oo ka mid ah Madaxdooda, hadii aysan la Dagaallamin iyaga iyo dadkooduba Al-shabaab-ka.
Hadalkiisu waxaa uu kusoo Beegmayaa Xilli Maalintii Shalay aheyd uu Qarax Gaariga loogu Xiray uu ku dhintay Madaxii Canshuuraha ee Puntland, Duraan Cumar Geele Qaylo, hadda waxaa ay isu diyaarinayaan sida uu sheegay Dagaal ka dhan ah Al-shabaab oo Horay Farac aan Xoogganeyn ugu lahaa Puntland, Balse hadda sida uu sheegay Dhankooda u guuray Markii looga adkaaday Dagaalladii Koofurta dalka ay kula Galeen Ciidanka DFS.
Idale News Online – Garowe.