Al-Shabaab oo Jubadda Dhexe ku dishay Sarkaal taageeray Daacish

0
198

Saakow(INO)— Wararka ka imaanaya Jubadda Dhexe ayaa sheegaya in weerar gaadmo ah shalay lagu dilay Sarkaal lagu magacaabi jiray Sheekh Xuseen Cabdi Geeddi oo horay uga mid ahaa Al-Shabaab.

Sarkaalkan ayaa la sheegay inuu ku biiray Ururka Daacish, isla markaana uu ka waday Jubadda Dhexe dhaq dhaqaaq uu ciidamo ku uruursanayay.

Sida ay qortay Idaacada VOA oo soo xiganeysay ilo wareedyo dadka deegaanka iyo kuwa kale ayaa sheegaya in dagaalyahano ka tirsan Al-Shabaab ay wadada u galeen gaari uu la socday sarkaalkaas oo marayay Tuulo lagu magacaabo Gaduudey.

Wararka ayaa intaa ku daraya in Sarkaalkan lagu magacaabayay Sheekh Xuseen Cabdi Geeddi iyo afar kale lagu dilay weerarkaas.

Sheekh Xuseen ayaa la sheegay inuu ahaa Hogaamiyaha maleeshiyo ka baxday Al-Shabaab ee ku biirtay Daacish.
Horay ayaa waxaa uu u soo noqday Kuxigeenka Guddoomiyaha Jubadda Dhexe, isla markaana ka soo shaqeeyay Maamulkii Kismaayo.

Deegaano ka tirsan Jubadda Dhexe ayaa waxaa dhowaan ka dhacay iska hor imaadyo u dhaxeeyay Al-Shabaab iyo kooxo la sheegay inay ku biireen Daacish, iyadoo dagaaladaas dhimasho iyo dhaawac sababeen.

Al-Shabaab ayaa dhowaan war ay soo saartay ku sheegtay inay gacanta ku qaban doonto cid kasta oo isku dayda inay kala qeybisa, waxaana dhowr jeer Daacish ay u soo dirtay muuqaalo ay ugu dalbaneyso inay ku soo biiraan.

Idale News Online, Saakow

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here