Bayaan ay maanta soo saartay Al Shabaab, ayaa waxay ku amrayn in lagu joojiyo isticmaalka adeegga Mobile Internet iyo Fiber Optic.
Bayaanka oo ku qornaa luqada Somaliga, ayaa waxaa lagu baahiyay bogga Idaacada Andulus ay ku lee dahay Shabakada bulshada xiriirisa ee Facebook.
Bayaanka oo ka kooban afar qodob, ayaa u qornaa
1) In laga joojiyo dhamaan dalka Soomaaliya isticmaalka adeegyada loo yaqaano Mobile Internet iyo Fibre Optic.
2) In dhammaan shirkadaha isgaarsiinta ah ee ku lugta leh adeegga Mobile internet-ka ama Fibre Optic-ga ay joojiyaan adeeggaas.
3) In shirkad walba oo ku lug leh bixinta adeegyadaas aan kor kusoo xusnay ay heysato muddo dhan 15 maalmood oo kaliya sidii ay u joojin laheyd adeegyada Mobile internet iyo Fibre optic, mudadaas oo ka bilaabaneyso taariikhda bayaankan uu soo baxo.
4) Shirkaddii ama shakhsiyaadkii u hogaansami waaya go’aanada kor ku xusan waxaa loo arki doonaa kuwo cadawga la shaqeynaya, waxaana lala tiigsan doonaa Shareecada Islaamka.
Idale News Online