Al Shabaab Oo Beeniyay Weerar La Sheegay In Dagaal Yahano Looga Dilay

0
322

Afmadow (INO)—Muqaal cusub oo lagu baahiyay baraha Xarakada Al Shabaab ayaa u muuqday mid lagu beeninayo war dhawaan ka soo yeeray Saraakiisha Dowladda Kenya oo ku aadanaa in 21 ka mid ahaa Xarakada Al Shabaab ay ku Dileen Weerar ka dhacay Magaalada Afmadow ee Gobolka Jubada Hoose.

Weerarkaasi oo ahaa mid gaadmo oo Xarakada Al Shabaab ay bishii May ku qaadeen Kolonyo ay la socdeen Xoogaga Kenya ayaa Afhayeenka Ciidamada Kenya, David Obonyo waxuu tilmaamay in ay iska caabiyeen islmarkaana ay ku Dileen 21 ka mid ahaa Al Shabaab.

Balse Muqaalkan ayaa lagu soo bandhigay Meydadka dhowr askari oo ka tirsanaa Ciidamada Kenya, Gaadiid Dagaal oo gubanaya iyo kuwa kale oo Al Shabaab ay qabsadeen.

Dhinaca kale, Afhayeen u hadlay Ciidamada Booliska ee Dalka Kenya ayaa beeniyay in Al Shabaab ay ka dambeeyeen Weerar ka dhacay Saldhig Boolis oo ku yaalla Degmada West Pokot ee Dalkaasi.

Afhayeen George Kinoti ayaa waxuu sheegay in Askari ka tirsan Booliska Kenya uu fuliyay Weerarkaasi oo ay ku dhinteen ugu yaraan 7 Ruux oo ka mid ahaa Ciidamada Booliska Dalka Kenya.

Warbaahinta Dalka Kenya ayaa Shalay waxey tabineysay in Weerarkii ka dhacay Saldhigaasi Boolis uu fuliyay Nin lala xiriirinayay Xarakada Al Shabaab.

Ilaa iyo hada ma jirto wax hadal ah oo ka soo baxay Xarakada Al Shabaab oo ku aadan Weerarkaasi ka dhacay Saldhiga Booliska ee Degmada West Pokot ee Dalkaasi Kenya.

Xafiiska Warqabadka Idale News Online, Baydhabo
Email: Idalenewsonline@gmail.com Baydhaba Janaay.