Dowladda Qatar oo Muqdisho Ka dhisaneysa safaaradii Labaad ee ugu ween Dunida

0
174

July 20 (Idale)— Dowladda Qatar ayaa qorsheyneysa inay safaarad ka dhisato magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya, iyadoo haatan ay dhismo KMG ah ay ku shaqeyso Safaaradda.

Qatar ayaa dooneysa inay muujiso doorkeeda arrimaha Soomaaliya, isla markaana dhisme safaaradeed oo rasmi ah ku yeelato Caasimada Soomaaliya.

Sanadkii 2014 ayay aheyd markii Qatar ay Safiir u soo magacawday Soomaaliya, iyadoo wixii xilligaas ka dambeeyay uu Safiirkeeda ku howl galayay dhismo ku yaal degmada Hodan oo ku dhowaa Safaaraddii Turkiga ku lahaa agagaarka Madaxtooyadii hore ee C/qaasim.

Wararka ayaa sheegaya in qorshaha dhismaha Safaaradda uu jawaab u yahay go’aankii dowladda Soomaaliya ay dhex dhexaadnimada uga qaadatay khilaafka dalalka Khaliijka.

Qatar ayaa sidoo kale dooneysa inay la mid noqoto dowladaha Turkiga iyo Imaaraadka Carabta oo ah labada dal oo safaaradahooda ku yaalla gudaha Muqdisho, gaar ahaan Xeebta Liido ee degmada C/casiis.

Naqshada dhismaha Safaaradda Qatar ku yeelaneyso Muqdisho oo horay loo soo bandhigay ayaa la mid ah dhismayaasha casriga ee Safaaradaha caalamiga, sida Safaaradda Turkiga oo qaab casri ah u dhisan.