Al-shabaab Oo 3 Saacadood Ka Qudbeynayey Masjid ku Yaalla Duleedka Garissa

0
265

Garissa (INO) – Malleyshiyaad ka tirsan Kooxda Xag-jirka ah ee Al-shabaab ayaa waxaa ay si Geesinimo leh ula wareegeen Masjid ku yaalla, Waqooyiga Dalka Kenya, sida Hoggaamiyeyaasha Deegaanku sheegeen.

Teaser Image Al-shabaab oo 3 Saacadood ka Qudbeynayey Masjid ku Yaalla Duleedka Garissa

Shabaabka ayaa Qudbad ka Jeediyey Masjidka, taasoo Muddo ku dhow Seddax Saac ay dadka Deegaanka iyo kuwii Masjidka yimid kula Hadlayeen, ka hor inta aysan Keymaha u Baxsan.

Waxaa ay Tusme uga dhigayeen Madaxda Kenya in aysan Awoodin Badbaadinta dadkooda, sidaa darteedna aysan mudneyn in ay talada usii Joogaan, Sirdoon Fiican ayey sidoo kale sheegeen in uusan Dalku laheyn, Cidna aysan Wargelin Karin Sirdoonka.

Masjidku waxaa uu ka tirsanyahay is Maamulka Garissa, waxaase uu 240km (150 mile) u jiraa Magaalada Garissa, Halkaas oo ay Shabaabku ka Fuliyeen Bishii Tagtay Weerar lagu dilay 148 Ruux oo u Badnaa Arday Jaamacadeed.

Taliye Booliska ka tirsan oo la yiraahdo Caleb Matoke ayaa u sheegay Wargeyska the Standard in 25 Dagaalyahan ay Masjidka Qabsadeen iyaga oo Hubeysan Dadkana u sheegeen Wixii ay Doonaan, Waxaa uu yiri waxaa la Rumeysanyahay in uu Raggaas soo Diray Ninka lagu Magacaabo Mohamed Kuno, kaasoo ah Ninka Dowladda Kenya ay Rumeysantahay in uu ka Dambeeyay Weerarkii Jaamacadda Garissa ee Bishii Tagtay.

Idale News Online – Garisa

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here