Kooxda loo yaqaanno ISIS ee ka dagaalanta Ciraaq iyo Syria ayaa bartamaha dalka Syria waxa ay ku dileen oday waayeel ah oo jiry 102 sano iyo dhamaan qoyskiisii oo ay kamid ahaayeen wiilkiisa, wiil iyo gabar uu awoowe u yahay iyo hooyadii dhashay caruurta uu awoowaha u ahaa.
Qoyska la laayay ayaa waxaa la sheegay in ay kasoo jeedaan Alaawiyiinta iyada oo kooxaha dilak geestay ay ugu galeen gurigooda
Dadka qaar odayga la joogay ayaa waxaa la sheegay in nolosha lagu gubay oo aan xabad lagu dhufan sida ay sheegtay hey’ad u dooda xuquuqda Aadanaha oo saldhigeedu yahay dalkaasi Syria.
Dilkaan ayaa waxa uu noqday mid kamid ah falalkii ugu naxdinta badnaa dagaalada dalkaasi ka holcaya intii ay soo jiitamayeen.
Idale News Online, Syria.