Al Qaacida & weeraradii ugu dambeeyey ee Caalamka ka geysteen

0
183

Warbixin si wada jir ah ay usoo saareen BBC- yo machadka king collage of London waxa ay kusoo bandhigeen tirada weeraradda Caalamka kadhacay ee ay kooxaha argagixisada qaadeen iyo khasaaraha kadhashay.

Wadamada kala ah Afghanistan,Nigeria,Iraq iyo Somalia ayaa afka hore kagalay dalalka weerarada ugu badan ay kageysteen kooxaha argagixisada caalamka.

alqaacida-hubaysan

Warbixinta ayaa muujineesa in dadka weerarada argagixiso kugeeriyooday ay gaarayaan ilaa 5,042 ruux oo kudhintay ilaa 664 weerar oo ka kala dhacay ilaa 14 wadan ,taa  oo kadhigeesa in maalintii 168 ruux ay udhimanayeen weerarada kooxaha argagixisada  ama saacadii 7 qof.

Kooxda Al-shabab ee Somalia ayaa la sheegay in masuul ay katahay dhimasahada dad gaaraya 266 ruux kuwaa oo kudhintay ilaa 41 weerar oo kadhacay Kenya iyo Somalia.

Warbixinta ayaa muujineesa in 31% dadkasi 5,000 lagu dilay toogasho,19% qaraxyo iyo 10% oo ah weeraro gaadmo ah.

Dhanka kale kooxda Taliban ee Afghanistan ayaa masuul ka ah dilalka dad gaaraya 720 ruux kadib qaadida 151 weerar.

Kooxda Al-shabab ee Somalia ayaa iyadu sheegatay masuuliyada weeraro kadhacay wadanka gudihiisa iyo Kenya .

Kudhawaad 30 ruur ayey shabaabku kudileen weerar ay kuqaadeen duleedka magaalada Mandera goob kaawada laga qodo.

Idale News Online, London