Al-Baghdadi oo la sheegay in uu u shaqeeyo Mareykanka & Israa’iil.

0
240

Muqdisho(INO)-Ninkii horay ugu shaqeyn jiray hay’ada sirdoonka mareykanka ee CIA iyo hay’ada nabadgalyada qaranka wadanka Mareykanka ee Edward Snowden ayaa cadeeyay in hogaamiyaha kooxda labaxday “Khilaafada Islaamka” ee ISIS Abuubakar Al-Baghdadi uu kusoo tababartay wadanka Israel,sida ay daabacday warbaahinta Morocco Times.

Snowden ayaa hadalkiisa kusii daray in hay’ada sirdoonka mareykanka ee ee CIA iyo sirdoonka Britain ay kala kaashteen sirdoonka Israel ee Mossad in la abuuro koox argagixiso ah oo aawood uyeelata In dhamaan ay maamusho kooxaha argagixisada caalamka ,iyadoo la adeegsanayo “Qaab cadaawadeed oo aad usareeya”.

Halkan Riix Si Aad U Aragto Qoraalka Maroccatimes.

Qaabka cadaawadeed ayey doonayaan wadamada Mareykanku uu kamidyahay in xasilooni loogu soo celiyo wadamada carbeed ,islamarkaana looga ciribtiro kooxaha kale ee Islaamiyiinta sida uu sheegay Snowden,waxa uu qiray Edward in Abuubakar Al-Baghdadi oo ah hogaamiyaha Dacish uu tabbar kusoo qaatay wadanka Israel tababarkaana ay siisay hay’ada sirdoonka Israel ee Mossad.

Dhanka Milatariga marka laga yimaado Al-Baghdadi ayaa sidoo kale bartay qaabka dadka looga dhaadhiciyo fikradaha iyo wajahitaanka bulshada marka qudbadaha loo jeedinayo .

Al-Baghdadi waxa uu soo bandhigi doonaa ,uuna si shaac ah u cadeyn doonaa mar dhow wajigiisa rasmiga ah ee inuu yahay CIA “ ayuu yiri madaxweynaha dalka Chechnya Kadirov oo dhawaan kahadlaye qatarta kooxda Dacish.

Xarun fadhigeedu uu yahay gobolka Quebec ee wadanka Canada ayaa warbixin dhawaan ay soo saartay ku sheegtay in wadamo mareykanku uu kamid yahay ay abuuraan kooxaha Argagixisada caalamka inkastoo aysan xusin danta Mareykanka ugu jirta in kooxahan uu isaga gacantiisa ku abuuro ayna gowracaan muwaadiniinta .

Idale News Online, Muqdisho.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here