Akhriso:Madoobe Nuunow oo shaaciyey heshiis uu la gaaray dawladda Soomaaliya.

0
202

Madaxweynihii dawlad gobaleedka lixda gobalka ee Koonfur Galbeed Soomaaliya Madoobe Nuunow Maxamed ayaa ku dhawaaqay in uu heshiis lagalay dawladda Soomaaliya, gaar ahaana markii ay arrimahaas ka shaqeeyeen mudanayaasha baarlamaanka Soomaaliya ee ka soo jeeda Baay iyo Bakool.

Madoobe Nuunow ayaa kusifeeyey heshiiskan mid dan weyn ugu jirto aayaha iyo mustaqbalka shacabka Baay, Bakool iyo Shabeelada Dhexe, wuxuuna ugu yeeray dhamaanba siyaasiintu in ay qeyb wanaagsan ka qataan heshiiskan.

Madaxweynaha tanaasulay ayaa sheegay in aysan jirin dan kale oo uu sidaas usameeyey, isagoo tilmaamay in uu diyaar u yahay u adeegida dadka deegaanadaas.

Sidoo kale Xildhibaanad Fawsiya Maxéd Sheekh oo ka mid ah mudanayasha baarlamaanka ee ka soo jeeda deegaanadaas ayaa sheegtay in ay guul weyn utahay dawladda Soomaaliya in maanta Madoobe Nuunow uu tanaasulad muujiyo, si horukac weyn looga gaaro xaaladaha siyaasadeed ee deegaanadaas.

Halkan Ka Akhriso, Waxii la isku Afgartey

hishiisNuunow

Halkaa hoose ka Aqriso Heshiiska

hishiis

Idale News Online, Baydhabo