Madaxweynaha dalka Maraykanka Barack Obama, ayaa walaac ka muujiyay isla markaana dhaleeceeyay xurgufaha iyo dilalka salka ku haya diimaha in aanu dalkiisu aqbali doonin kadib markii nin hubeysan oo lagu xiriiriyo nacaybka dadka Yuhuudda uu maalintii Axadda saddex qof ku dilay xarun bulshada Yuhuudda ay leeyihiin oo ku yaalla gobolka Kansas ee bartamaha Mareykanka.
Barack Obama, Waxa uu qiray in dilka noocan ahi uu yahay mid aad looga murugoodo oo xanuun badan maadaama uu dhacay wakhti la filayo in bulshooyinka Maraykanka ah ee Yuhuudda iyo Masiixiyiinta ahi ay u diyaar garoobayaan xusas munaasibado diini ah oo ku soo fool leh.
Si kastaba ha ahaatee, ciidamada ammaanka ee Maraykanka ayaa dilkan u soo qabtay nin Kiristaan ah oo rumaysan in dadka cadaanka ahi ay ka sareeyaan dadka kale oo dhan oo lagu magacaabo Frazier Glenn Cross, kaas oo lala xiriirinayo inuu ku lug lahaa dilkan, waxaana lagu wadaa in maanta maxkamad la soo taago ninkan ku eedaysan in si ula-kac ah u geystay weerarka dilkan.
Idale News Online, Washington ,DC