Kadib markii dhawaan Magaalada Baydhabo ee xarunta Gobalka Baay lagu doortay Madaxweynaha lixda Gobo lee Koonfurta Soomaaliya, ayaa shirkii saddexda Gobol ee Baydhabo ka socday, waxaa la shaaciyay xilliga rasmiga ah ee uu dhacayo doorashada Madaxweynaha.
Wuxuu sheegay Ex-Xildhibaanka Macalin Maxamuud in isbuuca soo socda gudihiisa la rajeynayo in la doorto hogaanka saddexda Gobol ee Koonfurta Soomaaliya, arintaasina ay ku howlan yihiin guddiga doorashooyinka Maamulka.
Dowladda federaalka Soomaaliya iyo Urur Gobaleedka IGAD, ayuu tilmaamay inay ka haystaan taageero ku aadan shirkaasi iyo Madaxweynaha la dooranayo dhawaan.
Baydhabo marxalada ka taagan ayaa lamid ah tii horay uga dhacday Magaalada Kismaayo oo madaxweynayaal lagu doortay, kadibna dagaal uu halkaasi ka dhacay.
Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa cadeysay mowqifkeeda ku aadan shirarka Baydhabo, iyadoo Dowladda ay sheegtay inay aqoonsan tahay shirka saddexda Gobol ee Baydhabo ka socda.