Baydhabo(IN0)- Waxaa Maanta golaha shacabka federaalka ah ka hor khudbeynaya murashaxiinta guddoomiyennimada golaha shacabka ee federaalka ah.
Ilaa 4 murashax ayaa u tartameysa guddoomiyennimada golaha shacabka kuwaas oo kala ah: Maxamed Sh. Cusmaan Jawaari, Cabdirashid Maxamed Xidig, Cabdifitax Maxamed Geesey iyo Idiris Cabdi Dhakhtar .
Hadaba halkan ka akhriso Taariikh Nololeedkooda 4-ta Musharax Oo Kooban:
Maxamed Sh. Cusmaan Jawaari:
Abuukaate Maxamed Sh. Cismaan Jawaari, waxaa uu dhashay 1945, wuxuuna ku dhashay degmada Afgooye, wuxuu registration ka qaaday degmada Buurhakaba, wuxuu ka baxay jaamacadda ummadda Soomaaliyeed, waa Khabiir taqasusyo badan soo sameeyay xagga shareecada Islaamka iyo law-ga ‘comprehensive Law’ waa nin ka soo shaqeeyay dhowr sharci iyo dastuurkan ugu dambeeyay.
1962: Jawaari waxaa uu shaqo ka bilaabey Macalinnimo, isagoo muddo ku dhexjiray arrimaha shaqada iyo shaqaalaha.
Abuukaate Maxamed Sh. Cismaan Jawaari, waxaa uu dowladihii 1990-kii ka horeeyay ka noqdey agaasimaha shaqada iyo shaqaalaha, wasiir ku xigeen iyo Xildhibaan, waxaa kaloo wasaaradda gaadiidka cirka iyo dhulka ka noqdey wasiir.
1990: Wasaradda iyo arrimaha bulshada ayuu sidoo kale, wasiir ka noqdey, waxaa uu muddo ku noolaa Norwey ilaa markii dambe uu dalka ku soo noqdo lataliyena u noqdo qaramada midoobey.
2007-2016: Xafiiska qaramada midoobey arrimaha Soomaaliya lataliye xagga dastuurka, guddoomiyaha guddiga khubarada dastuurka qabyo-qoraalka ah.
Taariikhdu marka ay aheyd 28-08-2012-kii waxaa loo doortey Gudoomiyaha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya jagadaas uu hayey ilaa 2016-kii.
Xildhibaan Cabdirashid Maxamed Xidig
Xildhibaan Cabdirashid Xiddig, waxaa uu ku dhashay magaalada Muqdisho sanadkii 1960-kii.
Waxbarasho:
1984: Hoose/dhexe, Afgooye
1986: Sare, Beeraha Afgooye
2013: Darajada koobaad: Anglia Ruskin University ee UK
2015: Master, Anglia Ruskin University ee UK
Shaqo:
2004-2016: Xildhibaan
2004: W/ku xigeenka amniga
2009: W/dowlaha arrimaha gudaha
2011: W/ku xigeenka gaashadhigga/ shaqada iyo shaqaalaha
2016: W/dowlaga arrimaha gudaha
Xildhibaan Cabdifitax Maxamed Geesey:
Xildhibaan Cabdifatah Maxamed Ibrahim Geesey , waxaa uu ku dhashay Muqdisho 1968dii
Waxbarashada:
1989- 1990 Al Farhan English Institude. Mogadishu
1986 -1990 Lafole College of Arabic language and History Afgoye
1988 -1989 Fursade Computer Learning Institude Mogadishu
1982 -1986 KPP Secondary School Mogadishu
1974 -1982 Gaheyr Primary and Intermediate school Mogadishu
Shaqo:
Taariikhda 15/4/2015-30/11/2016: Wasaaradda Amniga ee KGS.
Taariikhda 2014- 3-2015: Arrimaha Gudaha & Amniga KGS
Taariikhda 2013 – 2014 : Isbaheysiga Aragtida cusub ee Soomaaliyeed
2001 – 2003 : Agaasimaaha Xarunta Warbaahinta DMC
2002- 2003 : Guddoomiyaha Daladda Ururada Bulshada KGSoomaaliya
Taariikhda feb 2008-2013: Maamulka Gobalka Baay
1999- 2001: Wargeyska Reeghay Timea, Madaxa Wargeyska
Radio Warsan share ayuu ku lahaa…xarunteeda Baydhabo, Radio Shabeellana weriye ayuu ahaa.
Xildhibaan Idiris Cabdi Dhakhtar:
Xildhibaan Idiris Cabdi Dhakhtar Waxaa uu ku dhashay Baydhao 1965-tii,
Waxbarasho:
1983/84: 11 Janaayo, Baydhabo.
1989: Jaamacadda Lafoole, kuliyadda beeraha, waxaa uu bartey sidoo kale xanaanada xoolaha iyo daaqa.
Shaqo:
16: Waxaa uu ka shaqeeyay ilaa 16 hey’adood oo caalami ah oo ay ka mid yihiin UNDP, Unicef, World Vision iyo kuwoo kale.
3000: Deegaanno badan ayey ka caawiyeen xagga beeraha, xoolaha iyo arrimo kale, koofurta Soomaaliya.
Baydhabo: Xarun lagu xanaaneeyo darbi jiifta ayuu ka sameeyay Baydhabo.
2013: Waxaa uu aasaasey Jaamacadda Upper Jubba ee Beydhabo isagoo guddoomiye ka ahaa ilaa uu Xildhibaan noqdey.
Ugu dambeyntii, 4-tan murashax midkood ayaa lagu wadaa in 11-ka bishan noqdo guddoomiyaha golaha shacabka ama baarlamaanka 10-aad ee Soomaaliya.