Akhriso: Safarka Madaxweyne xasan Sheekh Ee Addis-Abab iyo Khilaaf Cusub….

0
171

Madaxweynaha Soomaaliya iyo xubno uu hogaaminaayo oo ay ka mid yihiin Wasiirka Cadaalada iyo Garsoorka Faarax Sheekh C/qaadir, Wasiirka Gaashaandhiga Maxamed Sh. Xasan iyo Wasiirka Batroolka iyo macdanta Daa’ud Maxamed Cumar iyo iyo masuuliyiin kale ayaa tagay magaalada Addis Ababa xili uusan wanaagsan xiriirka dowlada Soomaaliya iyo dowlada Ethiopia.
Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa dadaal ugu jira inuu xal u helo qilaafka cusub ee soo kala dhexgalay dowladiisa iyo waliba dowlada Ethiopia.

Wararka ayaa sheegaya madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo Raysal wasaaraha Ethiopia inay yeesheen kulan gaar ah oo saacado badan qaatay, kaasi oo ay kaga wada hadleen xiriirka labada dowladood iyo waliba sidii loo dhamayn lahaa qilaafka.

Inkastoo dowlada Soomaaliya aysan wax faah faahin ka ah ka bixin qilaafkaan, ayaa hadana qaar ka mida h siyaasiyiinta ku dhow dhow madaxda dowlada waxay inoo sheegeen inuu jiro dowladana haatan ay xal u raadinayo.

Dhowaan magaalada Qabri Dahar ee dalka Ethiopia waxaa ka dhacay shir looga hadlayay amaanka wadamada ku yaala geeska afrika, waxaana shirkaasi matalayay Soomaaliya oo dhan oo lagu casuumay madaxweynaha Puntland Cabdiwali Maxamed Cali Gaas, iyada oo aanan laga wicin shirkaasi dowlada Soomaaliya, taasina waxay cadayn u tahay sida la sheegayo qilaafka soo kala dhexgalay labadaan dowladood.

Ka hor inta uusan madaxweynaha Soomaaliya tagay magaalada Addis Ababa waxaa kulan gaar ah raysal wasaaraha Ethiopia uu la qaatay madaxweynaha maamul gobaleedka puntland,.

Dowlada dariska la ah Soomaaliya ee Ethiopia ayaa saamayn wayn ku leh siyaada Soomaaliya iyo xal u helida wadanka waxaana qaar ka mid ah gobalada Soomaaliya ka jooga ciidamo ka tirsan AMSIOM, kuwaasi oo mar marka qaar kaligood iska sameeya howlgalada ay doonayaan.

Xasn&Haylamaryan

Idale News Online, Addis-Ababa.