Akhriso: Qodobadii ay Ku Heshiyeen Wefdigii Madaxweyne Madeer iyo Maamulka Lixda Gobol+ Qoladii Madoobe Nuunow oo Ka Tanaasushey Aragtadii 6 Gobol, Ku Qanceyna 3Gobol.

0
200

Muqdisho. Iyadoo Magaalada Muqdisho, Ee Caasimada soomaaliya ay ku sugan yihiin Wefdi balaaran oo uu Hogaaminayo madaxweynaha Dowlada Gobleedka KG soomaaliyaMudane Maxamed Xaaji Cabdi Nuur Madeer, isla markana kulumo Gaar Gaar ahi ay la yeelanayaan Madaxda Sare Ee DF soomaliya Iyo Beesha Caalamka,ayaa waxa xaley shir labo Geesood ah waxa uu ka dhacey Xafiiska RW cabdi Sheekh Axmed , wada hadalaasi oo si Ka Fool ka Fool ah u Dhex marey Madax sare oo ka socodaan Maamulka 6da gobolka oo Hogaaminayo Cabdi fataax Ibraahim Geesey iyo 3da gobol.

Wada hadaladaasi, waxa Sidoo kale ka soo qiib galey RW soomaaliya Md Cabdi weli Sheekh Axmed ,AMISOM, safiirka u fadhiya dowlada itoobiya wadanka soomaliya isla amrkaana sheegey inuu ku faraxsan yahay geeda socodka nabada iyo wadahadalada Labda dhinac iyo labada maamul ee 6da Gobol iyo 3da, Gobol waxaana halkaasi ka dhacey tanaazul , la naawilayey mudo badan isla markaana ay la yimaadeen Dhanka madoobe Nuunow Maxmed.

Maxaa Laga Wada hadley?

Sida daqiiqado ka hor uu u sheegey Shabakada Warbaahinta Idale News Online, wasiirka wasaarada Gaadiidka iyo Dikadaha Dowlad goboleedka KG soomaaliya Ee 3d gobol Mudane Aadan Xasan, waxa si rasmi ahi, looga wada hadaley: Samata bixinta siyaasada Murugsan Ee KGS , qadiyada Guud ee KG soomaaliya iyo masiirka uu ku dambeyn doono maamulkaasi, waxaana wasiir Aadan Xasan Inoo Xaqiijiyey,in la isku af gartey Gebi ahaanba seddex Qodob, oo Noqonayo Heshiis Hordhac u ah wadahadalada iyo isu soo dhawaanshaha Labada Garab.

  • In la dhameystiro maamulka 3da Gobol Ee KG soomaaliya.
  • In la sameeyo, gudi farsamo oo Ka Shaqeenayo , isla markana fududeeya isku dabaridka Howlaha Guud ee KG Soomaaliya .
  • In la qabto xaflad, lagu shaacinayo, is afgaradka Labadani dhinac ee 6da gobol & 3 Gobol marka uu soo laabto RW cabdiweli oo uu hada safar Gaaban ugu ambabaxay Dalka Kenya.

Sidoo kale, saakey waxaa is arkey safiirka Midowga Yurub ee soomaaliya , madaxweyne madeer iyo Weliba Cabdi fataax Ibraahim Geesey Oo Uu matalo Dhanka 6da gobol Ee KG soomaaliya , isla markaana si loo adkeeyo qodobadii lagu heshiyey oona loo soo bandhigo Beesha caalamka , safiir EU ee Soomaaliya , waxa uu aad ugu faraxey oona soo dhaweeyey aarintaasi wadahadal ahi , waxaan uu balan qaadey inay midowga Yurub ay bixinayaan Qarashka dhameytirka KG soomaaliya Ee 3da Gobol La Isku Afgartey.

Ugu dambeyntii, arintani ayaa waxay noqoneysaa wadahadii ugu horeeyey oo dhex mara Labada garab Ee KG soomaaliya oo aad u kala aragti duwanaa, islamarkaana waxa soo baxaya ifafaale dowladnimo wadaag ah oo ka soo hilaaceyso mudo qarniyo ka dib Dhanka Goboladii la isku aran jirey Alta jubba oo Iminka Looga yeero KG soomaaliya.

madeerp

Idale News Online, Muqdisho.