Akhriso Magacyada Mas’uuliyiintii Ku Dhimatay Qaraxyadii Maanta Ka Dhacay Muqdisho

0
286

Muqdisho(INO)-Faah faahin hordhac ah ayaa laga helayaa qaraxyo xoogan oo abaare salaadii Jimcaha ka dib ee maanta ka dhacay Hotelka Central ee magaalada Muqdisho, kaasi oo ka dhalatay qasaare dhimasho iyo dhaawac isugu jirta.

Qaraxyada oo ahaa Labo ayaa wararka qaar waxay sheegayaan in midka hore laga soo buuxiyay gaari, kaasi oo gudaha Hotelka ku qarxay.

Qaraxa Labaad ayaa wararku waxay sheegayaan in uu ahaa qof soo xirtay Walxaha Qarxa, kaasi oo isku qarxiyay goob Masjid ahayd oo mas’uuliyiin badan ay Salaad ku tukanayeen.

Waxaa hadda la xaqiijiyay geerida gudoomiye ku xigeenkii dhanka siyaasadda ee maamulka gobalka Banaadir Maxamed Aadan Guuleed (Caane Geel) iyo sidoo kale Xildhibaan Xildhibaan Cumar Cali Nuur (Cumar Furdug).

Sidoo kale xubnaha dhaawacmay waxaa ka mid ah Xildhibaan Cabdiqaadir Cali Cumar iyo sidoo kale siyaasiin halkaasi ku sugneyd oo qaarkood dhaawac fudud soo gaaray.

Dadka dhintay waxa ay tiro ahaan gaarayaan 10, iyadoo dhaawaca uu intaasi ka badan yahay, waxaana weli socda gurmadka halkaasi laga wado.

Idale  News Online, Muqdisho

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here