SYL sidee ku aasaasantay?
Horaantii sanadkii 1943-kii ayaa waxaa sheekaystay sida ay taariikhyahanadu sheegeen C/qaadir Sheekh Sakhaawadiin iyo Yaasiin Xaaji Cusmaan Sharma’arke oo rag saaxiibo ah oo si weyn isugu xirnaa, islana socon jiray mar kasta, waxay ka wahadleen sidii Ummadda Soomaaliyeed uga bixi laheyd nidaamkii gumeysiga.
Labadaas nin ee dhalinyarada ahaa waxay midba uu jiray xilligaasi 24-sano iyo 26-sano, waxay muddo ka sheekaysanayeen sidii bal gumeystaha looga xoroobi lahaa, waxaana C/qadir Sheekh Sakhaawadiin uu soo jeediyay fikir ahaa in la aasaaso xibsi Islaami ah oo dadka mideeya, isla markaasna ka saara gumeysiga, laakiin Yaasin Xaaji Cismaan ayaa wuxuu soo jeediyay fikir kale oo ahaa in xisbiga laga dhigo mid siyaasi ah oo shacabka oo dhan matala.
Ka dib wahadaladii labada nin ee dhalinyarada ah waxaa ku soo biiray dhalinyaro kale, waxaana la isku raacay in la dhiso Gole ama naadi dhalinyaro oo ay isku bartaan dhalinyarada, isla markaasna dhalinyaradu wax isku baraan, iyadoo la baranayo luqadda Ingiriiska oo xilligaasi aheyd mid ku cusbeyd gobolada Koonfureed ee dalka Soomaaliya.
Kulankaasi dhalinyaradu waxay isla garteen in la dhiso Gole dhalinyaro inta laga gaarayo waqti ku haboon in la dhiso xisbi siyaasi ah, waxaana la dhisay Golaha dhalinyarada Soomaaliyeed SYC {Somali Youth Club}, waxaana xilligaasi ay aheyd 15-kii May ee sanadkii 1943-dii, wuxuuna kulankii ugu dambeeyay ee ay yeesheen aasaasayaasha xisbigaasi ay isku raaceen 3-qodob oo kala ahaa:
- In xukuumadda Ingriiska ee dalka heysata loo qoro codsi ay ku doonayaan inay furtaan naadi la yiraahdo SYC {Somali Youth Club} oo ay dhalinyarada ku kulanto.
- In la kireeyo guri u qalma howlaha dhalinyarada ee lagama maarmaanka u ah, soona jiidan kara dhalinyarada.
- In la dejiyo barnaamij ku meel gaar ah oo dabooli kara qorshaha shaqo ee loo baahanyahay lagama-maarmaana u ah howlaha dhaliyarada.
Markii ay qoreen codsigii ayey 13-kii dhalinyaro waxay tageen xafiiskii xaakimkii isticmaarka ee Ingriiska u fadhiyey magaalada Muqdisho, waxayna u gudbiyeen codsigoodii, iyadoo qaar ka mid ah dhalintaasi ay qabeen in fekerkooda guuleysan doono, halka qaarna ay qabeen inay xarig muteysan doonaan iskaba daaye in codsigoodu u hirgalo, laakiin wuxuu ugu jawaabay oraahdii caanka baxday ee aheyd:
“Waxaad ka koobantihiin dhalinyardiina qabiilo kala duwan, waxaana hubaal ah inaadan kuwada hishiin karin feker iyo ra’yi toona, anniga waxaan idiin arkaa dhurwaayo iyo ari xero lagu wada xareeyay, sideed naadi ugu hishiin kartaan khilaaf la’aan”, hase yeeshee dhalintii 13-ka aheyd oo aan hadal kulul ku celin karin madaxa gumeystaha ayaa ugu jawaabay hadalkan “Hadalkaaga waxaan ka dhiganeynaa cashar aan ka faa’iideysano, waxaana barbaarin doonaa dhurwaayada, si aysan ariga u cunin, mana fogaan doonto inaad aragto annagoo ku wada nool naadiga oo aan wax muran iyo khilaaf uusan ka dhex jirin”.
Maalmo ayey jawaab ka sugayeen ka dibna waxaa la soo gaarsiiyay warqad lagu xusay in Ingriisku uu hadda ku jiro dagaal uusanna u baahneyn in siyaasadda la farageliyo, balse loo ogolaaday inay furtaan naadi dhalinta ay ku kulmaan waxna ku bartaan.
Kulankii ugu horeeyayba waxay iska dhex doorteen madaxdii hogamin laheyd naadiga, waxaana Guddoomiye loo doortay C/qaadir Sheekh Sakhaawadiin, halka Xaaji Maxamed Xuseen iyo Maxamed Xirsi Nuur {Siidii} loo doortay iyaguna ku xigeeno, iyadoo Yaasiin Xaaji Cusmaana loo doortay Xoghaye.
Laga soo bilaabo sanadkii 1943-dii waxaa xisbiga SYL laga furay gobolada dalka Soomaaliya oo idil, waxaana sii kordhay taageerada uu helayo, taasi oo aheyd mid ay u dhanyihiin Ummadda Soomaaliyeed sida qeybaha Odayaasha, Culima’udiinka, Dhalinyarada, Haweenka, iyo Ganacsatada.
Bishii Maajo ee sanadkii 1947-dii ayaa waxaa la go’aansaday in isbedel lagu sameeyo magaca Xisbiga, lana muujiyo awooddiisa, sababahan soo socda awgood xisbiga oo xidideystay oo shacabka dhexdiisa ka kasbaday kalsooni aan la loodin Karin, damaca gumeystayaasha Ingiriiska oo ka dhawaajiyey inuu rabo in Soomaaliya oo idil loo dhiibo iyo Talyaaniga oo u xusulduubayey in la soo celiyo maamulkiisii iyo axsaab Soomaali ah oo ku saleysan hab qabiil, gacansaarna la leh quwadaha shisheeyaha oo xisbiga laga horkeenay.
Goor dambe oo xisbigii uu meel fiican gaarsiiyey halgankiisii gobanimo doonka ayaa waxaa geeriyooday xoghayihii xisbiga Yaasin Xaaji Cusmaan Sharma’arke, waxaana uu ku dardaarmay in jagadiisii loo magacaabo halgame C/laahi Ciise Max’uud oo xilligaasi ahaa wakiilkii SYL ee magaalada Baladweyne, halkaasi ayaa laga soo waday C/laahi Ciise, waxaana uu qabtay jagada xoghayaha guud ee SYL, isagoo hayey xilkaasi ilaa iyo SYL ay keentay guusha xoriyadda Ummadda Soomaaliyeed, waxaana C/laahi Ciise loo magacaabay Ra’isul wasaarihii xukuumaddii Daakhilga aheyd ee Soomaaliya intii aan xoriyadda si buuxda loo qaadan.
Guushii halgankii waxaa la gaaray 1-da July ee sandkii 1960-kii markii laba gobol oo xor ah oo Soomaali ah isu tageen ayna dhiseen Jamhuuriyadda Soomaaliya, waxaase nasiibdaro ah inaan hananweynayn xorriyaddii iyo dowladnimadii.
Dhinaca kale waxaa taasi ku lamaansan daqaro, haaro iyo wadno goyn weyn oo xilligan lagu hayo midnimadii dadka iyo dalka Soomaaliyeed, iyadoo ay dhici karto in ilmihii ay dhaleen 13-kii dhalinyaro ee SYL ay maanta ku lug leeyihiin in dalka loo kala googooyo, iyadoo ay haatan soo kordhayaan nidaam cusub oo ah in tuulo, degmo iyo gobolka kasta uu sheegto dowlad, taasi oo ay u sii dheertahay toabaan calan iyo tobanaan Madaxweyne oo ay yar tahay in maskaxdooda ay ku jirto dowlad loo dhanyahay, midnimo iyo qaranimada Ummadda Soomaaliyeed.
Ugu dambeyntii waxaa nasiib daro weyn ah in 13-kii dhalinyarada SYL ee hormuudka u ahaa xoriyadda ay maanta Ummadda Soomaaliyeed harsaneyso in markii ay ku fekerayeen inay gumeysiga iska dulqaadaan ay da’doodu ka yareyd 20-sano ayaa hadda waxaad arkeysaa inay jiraan siyaasiyiin ka da’a weyn, ka aqoon badan, ka waayo aragsan inaysan laheyn heykal iyo himilo qaranimo, ayna dhici karto in caasimado ajanabi ah in laga maamulayo amaba ay dhici karto inay ka sugayaan wixii ay dalkooda u sameyn lahaayeen in loo meeriyo, halka 13-kii dhalinyaro ee SYL-na ay ay ku fekireen inay dalkooda xornimo buuxda gaarsiiyaan, arrinkaasi waxaa la dhihi karaa waa kaaf iyo kala dheeri.
Idale News Online.