Wareegtada lagu magacaabay Guddoomiyaha Maxkamada Sare ee Ciidamada Qalabka Sida Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Guddoomiyaha Maxkamada darajada 1-aad ee Ciidamada Qalabka Sida.
Ku G/Sarre Liibaan Cali Yarow
Ku G/le Xasan Cali Nuur
OG:Xeer-ilaaliyaha Maxkamadda Ciidammada Qalabka Sida.
OG:Taliska Ciidammada Xoogga dalka Soomaaliyeed.
OG:Taliska Ciidammada Booliska Soomaaliyeed.
OG:Taliska ciidamamada Nabad-sugidda iyo Sirdoonka Soomaaliyeed.
OG: Taliska Ciidammada Asluubta Soomaaliyeed.
OG: Wasiirka Amniga Qaranka.
OG: Wasiirka Garsoorka iyo Arrimaha Destuurka.
OG:Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya.
OG: Guddoomiyaha Barlamaanka Federaalka Soomaaliya.
OG: Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.
Ujeeddo:- Faah-faahin Xeer madaxweyne.
Madaxda iyo saraakiisha ay sida tooska ah ugu socoto warqaddani iyo oggeynsiintaba, waxaa lagu wargelinayaa sida ku cad lifaaqa oo ah xeer madaxweyne Lam. 56 iyo xeer madaxweyne Lam. 57 ee soo baxay 21/09/2014, oo lagu dallacsiiyey min hal darajo, laguna kala magcaabay sarakiisha soo socota xilalka ku hor qoran waxeyna kala yihiin.
1.G/sare Liibaan Cali Yarow oo loo gamacaabay guddoomiyaha Maxkamadda sare ee ciidammada Qalabka Sida ee Soomaaliya.
2. G/le Xasan Cali Nuur (Shuute) oo loo magcaabay guddoomiyaha maxkamadda darada 1-aad ee ciidammada Qalabka Sida ee Soomaaliya.
Shaqo Wacan
Maxamed Sheekh Xasan.
Wasiirka Gaashaandhigga
Idale News Online,