Madaxda koonfur galbeed Soomaaliya ayaa shir jaraa’id ku Qabtey magaalada baydhaba Ee Xarunta Gobolka Bay ayaa cambaaren, kulul u jeediyey dowlada Federal soomaaliya iyo Kooxda Xooga ku Qabsatey Magaalada MARKO.
ku simaha Madaxweynaha KG soomaaliya eE 3da Gobolka ahna wasiira arimaha Gudaha ayaa baaq dheer u jeediyey DF soomaaliya” Dagaalka ka socodo magaalada marko ayaan cambaareyneyaa ,Sidaas darteed Marko waxay ka tirsan 3 Gobol Koonfur galbeed soomaaliya, dadkii degaanaa la barakiciyey, oo barakiyeyna dad dereeka dowlada soomaaliya wato ayaa barakiciyey, sidaas darteed Madaxweyanaha, RW soomaliya iyo Godoomiyha Baarlamanka, shacabkaasi canshuurti laga qaadey lagu weerarayo in deg deg ah tilaabo looga qaado, kuwo falkaa kadambeeyo, oo la arki karo , sidaas darteed dowladu waxaan ka codsaneynaa ayadaa mas’uul ka ah shacabka, waxii dhinteyna Alle Ha unaxariisto , waxii dhaawacmeyna Alle Si deg deg Deg ah u Shaafiyo” ayuu yiri .
Sidoo kale, isagoo sii wato, hadalkiisa wasiirka arimaha Gudaha KG soomaliya 3da Gobol ayaa waxa uu yiri” Tan labaad Madaxweyahu isagaa mas’uul ka ah , waa inuu si deg deg ahi ug Hadlaa, wa inuu si deg deg ahi ugu saaraa Ciidanka, anagu waan u midoweynaa, wax Alaale Waxii ka yimaado oo dhibaato ah Dowlada Mas’uul ka ah sidaas darteed,waa in dowladu ayaa gaarsiisaa, shacabka ku dhibaateynsan Marko , Gargaar deg deg ah , oo wada hadalkana waxa uu dhici karaa Marka laga saaro kooxda soo weerartey Magaaalada Marko”
Sido kale cambaareyntani waxa kale ka hadley wasiirka wasaaradda Maaliyada KG soomaaliya Md Xasan Xuseen, ayaa isna baaq dheer u jeediyey dowlad soomaaliya , islamarkaa ka Codsadey Dowlada in ay ka qaado tilaabo kooxda Dhibaatada kawado Gobolka shabeelaha Hoose Waxan uu yiri” Waan ka tacsineyneyaa, inta ku dhimateyn magaalada marko oo sida xaq daro ahi Loo diley , inta ku dhaawacteyna alle Shaafiyo,anigoo ku hadlahayo Magaca Koonfur galbeed soomaaliya Ma noqon doonto in aan u dulqaa dan doono dagaalada sida Bareerka ah ee Xaq daroa ah Magaaladaasi lagu ahaayo, Dowlada Federalkas soomaaliya waxaan u sheegeynaa in talaabo ku haboon ka qaado kuwo wato dareeskeeda oo weerarey Magaalo Ka Tirsan Koondur galbeed ee 3 Gobol, insha allah tacaala hadii Dowladu talaabo qaadi weyso anaga Ka Jaawbeynaa ” Ayuu yiri Wasiir Xassn Xuseen.
Si kastaba aha ahaate ,waxa isu soo tarayo baaqyada iyo cambaareyn guud ee ku aadan ciidmada wareerey Magaalada marko kuwaaso sheegtey inay yihiin dadka degaanka , balse, arintu sidaas ka dawan.
Halkan Ka Daawo Madaxdka KG soomaaliya Shir Jaraa’idkooda.
Idale News Online , baydhaba.