AKHRISO:- Bayaan ku saabsan Khilaafka Alshabaab oo lasoo dhex dhigay barta Internetka ee lagu magacaabay (Aljahad)

0
224

HHH

Waxaa gacanta kasii baxaaya Kalsoonidii iyo wada shaqeyntii ka dhexeysay Madaxda iyo Saraakiisha sar sare ee Ururka Al-qacidada Somalia ee Alshabaab.

Khilaafyada u dhexeeya Madaxda iyo Saraakiisha ayaa waxa ay marba marka xigta la soo baxayaan xurgufo iyo hagardaamo ay kuwada dhaqmayaan Mas’uuliyiinta iyagoona Warbaahinta isu marinaayo Dhaliilo iyo Hanjabaado, ayaa waxaa Qoraal lagu daabacay barta Internetka ee lagu magacaabay (Aljahad) oo inta badan lagu faafiyo qoraalada ururka Al-qaacid ayaa waxaa lagu faafiyey maanta bayaan loo tiiriyey ururka Al-shabaab.

Bayaanka oo ahaa mid muujinaayo inuu sii xoogeysanaayo Khilaafka Alshabaab ayaa waxaa haddana Bayaanka loogu wanqalay  “Tani waa Fariin wadareen ku socota Bulshada” , sida aan kasoo xiganay Bartooda Interneedka.

Bayaanka loo tiiriyey Hoggaanka Sare ee Al-shabaab  ayaa waxaa uu ku soo beegmayaa xili maalmihii u danbeeyey mareegaha Internetka  la soo dhigay Bayaano,qoraalo , Waraysiyo si gaar ah looga cabanayo Hogaamiyaha Ururka  Al-shabaab Axmed Cabdi Godane.

Bayaanaadkii iyo waraysiyadii la soo dhigay baraha internetka ayaa waxaa soo dhigay:-

1-Ibraahim Xaji Jaamac Miicaad (Afgaani)
2-Abu Mansuur Al-amriiki
3-Zubeyr Al-muhaajir
4-Sh  Xassan Daahir Aweys

Eedeynaha ay u soo jeediyeen  masuuliyiintaan  Hogaamiyaha ururka Al-shabaab Axmed Cabdi Godane ayaa waxaa ka mid ah:-

1-In isku xukumidii Kitaabka Allaah inay noqotay mid ay ka saramartay kaligii talinimo iyo wadatashi la’aan.

2-Xabsiyo Qarsood ah oo Xarakadu ay leedahay.

3-Hay’adda Garsoorka  oo si toos ah uga amar qaadata Hogaamiyaha Al-shabaab Axmed Cabdi Godane.

4-In qof walba oo isku daya in uu wax saxo  loo hanjabo ama lagu tuuro tuhmooyin.

5-Dil joogta ah oo loo geysto dad aan shareecada Islaamka dhiigooda  banaynin.

Bayaanka maanta lagu faafiyey barta internetka ee (Aljaha) loona tiiriyey Hoggaanka Ururka Al-shabaab ayaa sidoo kale waxaa eed culus loogu soo jeediyey  qaar ka mid ah masuuliyiinta ururka Al-shabaab ee  qoraalo , bayaano iyo waraysiyo ku faafiyey  Internetka  waxaana lagu eedeeyey.

1-In ay kala dhantaalayaan Midnimada umada  iyo wadajirka ururka.

2-Faafin warar aan sal lahayn  oo kala dhantaalaya midnimada iyo wadajirka  ururka.

3-Suuro xumeyn  Mujaahidinta ururka Al-shabaab , madaxdooda iyo Manhajkooda.

4-Faafin siraha  Mujaahidiinta Al-shabaab iyagoo gaarsiinay Cadawga islaamka.

5-Isku dir Madaxda Mujaahidiinta iyo shacabka.

6-Dhiiga Mujaahidiinta  oo ay banaysteen.

7-Inay ka dhago Adeygeen Markii looga yeeray Maxkamada shareecada ee Ururka.

Idale News Muqdisho