Dalka Mareykan Gaar ahaan Gobolka Minisota Waxaa Ka Dhacey Dibid-bax balaaran oo lagu diidinaa siyaasada Qalafsan ee Madaxweyne, Xasan sheekh maxamuud. tiro badweyne ah ayaa saf dheer ku marey gurigu madaxweyne xasan Sheekh uu laga casuumey.
Hadabada Aqoonyahan Eng. Sadiq Abdi oo ka mid ahaa gudiga Qabadan qaabada Mudaaharaadkaasi,yaa si weyn waxa uu ugu mahadceliyey dadka soomaaliyeed ee Ku Dhaqan magaaalada Mineapolis, kuwaaso si aad ah ugu soo baxey isla markaana u xiiley xaqa.
Aqoon yahan Eng. Sadiq oo mahadcelinayodadweynaha soomaaliyeed Ee ku Dhaqan Mineapolis Waxa uu yir” Anigoo ku hadlaaya magaca guddiga qabanqaabada Kacdoonkii ka bilowday Magaalada Minneapolis, ee la magac baxey HASSAN STEP DOWN, Ugu horeyn Ilaahey ayaa mahad leh, marka xiga waxaan aad ugu mahad celiyaa dadkii tirada badnaa ee Soomaaliyeed oo ay ugu horeeyaan Xildibaanadii geesiyaalka ahaa ee taariikhda kacdoonka baal dhahab ah ka galey iyo dhaamaan dadkII kala duwanaa ee waqtigooda qaaliga ah noogu deeqay isla markaasna suurtogaliyey in Madaxweyne Xasan Sheikh Maxamuud Culusow beesha caalamka hortooda ku hor kufo, inta badan idaacadaha dalka Mareykanka sida CNN, channel 5, fox News, KTV ay u soo tabiyaan. Kacdoonkii Maanta ee Gobolkeena ka curtay.
Waxaan dadka Soomaaliyeed ee gudaha iyo dibada ku dhaqan u sheegayaaIn Somalia laga badbaadiyo Siyaasad Xumidda Xasan Sheikh Geed Gaaban iyo Mid Dheerba waan u fuuleynaa. Sidoo kalena waxaan u balanqaadeynaa in kacdoonkaan uusan ku ekeyn shaley iyo manta, waxaa xigi doona kuwa kale oo is xig xiga balse waxaa dhowaan idiin soo bandhigi doonaa Film Cusub oo dhowaan Ummada Soomaaliyeed xiisa gelin doona oo la magac baxay HASSAN STEP DOWN, kaasoo ku lagu soo bandhigi doono siyaasad xumida Xasan Maxamuud Culusoow oo afka English iyo Somali noqon doona”