Matabaan(INO)-Ciidamada Ahlu-sunna Waljameeca ayaa weli ku dhegan ciidanka AMISOM ee dhawaan gaaray degmada Matabaan ee xarunta gobalka Hiiraa, iyadoo weli wax is faham ah aanu dhici.
Warar ay heshahay Shabakada Warbaahinta Idale News Online ayaa ku waramaya in saraakiisha AMISOM ay isku dayayaan inay Ahlu-suna wax ka dhaadhiciyan.
Hadii ay dhacdo in ciidanka Ahlu-sunna ay kusoo adkeystaan in aysan wadada furin waxaa AMISOM qasab ku noqonaysa in awood ay isticmaalan.
Ciidamada Jabuuti ee AMISOM ayaa ka baxay Baladweyne, waxaana ay ku wajahnaayeen magaalada Cadaado oo shir lagu qaban doono.
Idale News Online, Matabaan