Ahlu Sunna oo Maanta La Wareegtay Degmada Dhuusa-mareeb Ee Xarunta Gobolka Galguduud

0
256

Dhusamareeb(INO) — Wararka naga soo gaaraya degmada Dhuusa-mareeb ee xarunta u ah gobolka Galguduud, ayaa sheegaya in subaxnimadii hore ee saakay gacan ku heynta degmada la wareegeen xoogag ka tirsan Ahlu Sunna Waljameeca.

AHLU

Sida ay  Warbaahinta u xaqiijiyeen goob-joogayaal xoogag ka tirsan Ahlusunna Waljameeca oo ka soo duulay degmada Guri-ceel, ayaa subaxnimadii hore ee saakay weerar culus ku qaaday saldhigyada ciidammada dowladda ee degmada Dhuusa-mareeb.

Dagaallka xoogiisa ayaa la leeyahay waxaa uu wali ka soconayaa qeybo ka mid ah degmada, gaar ahaan guriga guddoomiyaha gobolka Xusseen Cali Weheliya Cirfo, inkastoo dhamaan xaafaddaha ay degmada ka kooban tahay la wareegeen xoogagga Ahlu Suna.

Weerarka Ahlu Sunna ayaa noqonaya kii ugu horeeyay oo ay ku qaadaan degmada Dhuusa-mareeb ee gobolka Galguduud, halkaa oo xarun u aheyd mas’uuliyiinta dowladda ee gobolka Galguduud.

Xoogagga Ahlu iyo kuwa dowladda Soomaaliya ayaa dhowr jeer oo hore ku dagaallamay degmada Guri-ceel, halkaasoo labada dhinac midba mar uu la wareegay, waxaana jiray heshiis ay wada galeen Ahlusuna iyo wafdi uu hogaaminayay wasiirka gaashaandhiga, kaasoo lagu soo afjarayay dagaalka.

Idale News Online, Dhusamareeb

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here