Dhuusamareeb ( INO)-Cali Baashi Faarax Cali Madaxweyne ku xigeenka Maamulka Gobaladda dhexe ee Ahlusunna ayaa kosoo horjeeystay qodobaddii kasoo baxay shirkii Madasha wadatashiga Qaran ee dhawaan ku soo gabagaboobay Muqddisho isagoo sheegay in maamulkood wax dan ah aysan ugu jirin qodobaddii lagu heshiiyay.
Madaxweyne kuxigeenka Maamulka Gobaladda dhexe ee Ahlusunna oo la hadlay Warbaahinta ayaa tilmaamay in markii horeba lagu kala tagay shirkaasi waxa kasoo baxayna aysan ka turjumeynin danaha shacabka Soomaaliyeed sidaa darteedna ay qodabadaasi yihiin kuwo wax kama jiraan ah sida uu hadalka u dhigay.
Cali Baashi Faarax Cali Madaxweyne kuxigeenka Maamulka Gobaladda dhexe ee Ahlusunna ayaa dhanaka kale waxa uu sheegay Dowladda Waqtigeeda dhamaaday in ay ku guul dareysatay Doorashooyinkii ay shacabkeeda u balan qaaday ee qof iyo codkiis ahaa una weecisay doorashooyin dadban.
Waxaana sidoo kale Cali Baashi uu nasiib-daro ku tilmaamay in doorashadii dadbaneed xitaa ay dib u dhac ku timid.
Magaalada muqdisho ayaa dhawaan waxaa lagu soo gababeeyay Shirka Madasha Wadatashiga Qaran iyadoo durbadiiba Qodobadii kasoo baxay shirkaasi uu ka soo horjeeystay Ra’iisul Wasaare ku Xigeenka Soomaaliya Maxamed Cumar Carte waxaana sidoo kale xusid mudan in ay jiraan qaar kamid ah hagaamiyayaasha Maamul Goboleedyada oo weli saluugsan qaabka awood qeybsiga Xubnaha Aqalka Sare.