Agaasimayaasha Radio Muqdisho iyo SNTV oo xilalkii laga qaaday iyo Agaasimayaal cusub oo loo magacaabay.

0
247

Baydhabo(INO)-Wasiirka Wasaarada Warfaafinta Soomaaliya Maxamed cabdi Xayir Maareeye ayaa Maanta xilkii ka qaaday Agaasimeyaasha Radio Muqdisho iyo Telefishinka Qaranka, waxa uuna isla manta Magacaabay Agaasimayaal Cusub.

Agaasimaha Cusub ee Radio Muqdisho waxaa lo Magacaabay Axmed Faarax Gaatamoow, waxaana xilkaasi horay u haayay oo manta laga qaaday C/raxiin Ciise Cadoow.

Sidooo kale Waxaa Agaasimaha Cusub ee Telefeshinka Qaranka Soomaaliyeed loo Magacaabay Naasir xasan Xuseen, waxaana xilkaasi horay u haayay oo Maanta laga qaaday C/raxmaan Yuusuf Al-Cadaala.

Dhanka kale labada Masuul ee xilalkii laga qaaday waxaa loo Magacaabay xilal kale oo ay ka qabanayaan wasaarada warfaafinta Soomaaliya.

C/raxiin Ciise Cadoow Waxa loo Magacaabay Agaasimaha waaxda qorsheynta iyo Xiriirka ee Wasaarada Warfaafinta Soomaaliya.

Sidoo kale C/raxmaan Yuusuf Al-Cadaala waxaa lo Magacaabay Agaasimaha Wakaalada wararka Soomaaliyeed ee SONNA.

Idale News Online, Muqdisho

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here