Afhayeenka Maamulka KMG ah ee Juba C/naasir Seeraar ayaa difaacay joogitaanka Ciidamada Kenya ee deegaanada Jubooyinka, isagoo ku tilmaamay inay yihiin ciidamo wanaagsan oo wax badan ka qabtay deegaanada ay ku sugan yihiin.
C/naasir Seeraar ayaa sheegay in ciidamada Kenya ee ka midka ah AMISOM ay yihiin ciidamo aqlaaq wanaagsan, lana qabsaday shacabka Jubooyinka waxaana uu xusay inay dadka reer Juba ay u fidiyaan kaalmooyin caafimaad.
“Ciidamada Kenya markii ay soo galeen ilaa iyo hada waxay qabtee shaqo aad u wanaagsan, Shabaab bey deegaanada Jubooyinka ka saareen, waa ciidamo wanaagsan, oo shacabka Jubooyinka caawimaad u sameeyay”ayuu yiri Seeraar.
Mr Seeraar ayaa ka hadlay wararka sheegaya in Ciidamada Kenya lagu bedelayo Ciidamada Sierra Leone iyo ciidamo ka imaanaya dal kale oo Afrikaan ah, waxaana uu xusay inay adkaan doonto sida ay ula shaqeeyaan.
“Ciidamada Kenya hadii la bedelo, waxaa adkaan doonta sida aan ula shaqeyno ciidamo kale”ayuu yiri C/naasir Seeraar oo tilmaamay inay la qabsadeen Ciidamada Kenya sida uu yiri.
Sarkaal ka tirsan Ciidamada dowladda oo ku sugan meel 5-KM u jirta Kismaayo oo lagu magacaabo Dahir Bedel ayaa ku tilmaamay banaan bixii Kismaayo mid aan waxba ka jirin oo aanay ka turjumeyn dareenka shacabka, waxaana uu xusay in Maamulka Axmed Madoobe ay yihiin jabhad dooneysa in Kenyanka ay la soo joogaan, maadaama ay dano badan ka dhaxeeyaan sida uu yiri.
Warar soo baxaya ayaa sheegaya inuu socdo qorshe Ciidamada Kenya loogu bedelayo ciidamo kale oo afrikaan ah, waxaana la rumeysan yahay in hadii taas dhacdo in Maamulka KMG ah ee Juba ay saameyn ku yeelan doonto, maadaama maamulkaas si dhow xiriir u leeyihiin Ciidamada Keya.
Banaan bixii shalay ka dhacay magaalada Kismaayo iyo deegaano kale ayaa ahaa mid lagu taageerayay joogitaanka Ciidamada Kenya.
Idale News Online