Afgooye:Xasuuq iyo Kufsi ka dhacay Degmadda Afgooye ee Gobolka Sh/Hoose

0
196

Wararka ka imaanaya Magaalada Afgooye ee Gobolka Sh.Hoose ayaa sheegaya in Ciidamo ku labisan Dareeska Dowladda Soomaaliya ay xasuuq ba’an ka geysteen Magaaladaasi.

waxaa Duleedka Degmada Afgooye lagu afduubtay Gaari ay saarnaayeen Rakaab iyadoona Ciidamada qafaashay Gaariga ay isku dayeen in ay kufsadaan Haweeney la socotay Ninkeeda.

Haweeynadan la isku dayay in kufsado ayaa la socotay Ninkeeda xili ay ku guda jireen Aroos waxaana Ciidamada intaasi kadib ay sameeyeen isku day Kufsi markii ay suuro galiweysay waxaa ay toogteen Ninkii Arooska ahaa waxaana sidoo kale meesha lagu dhaawacay Haweyneyda iyaduna Arooska aheyd.

Ciidamo ka tirsan kuwa Maamulka Degmada ayaa goobta soo gaaray kuwaa ceyrsaday Ciidamada ku labisnaa Dareeska Dowladda islamarkaana Xasuuqa ka geystay Magaalada Afgooye.

Gudoomiye ku xigeenka Degmada Afgooye ee Gobolka Sh.Hoose ayaa sheegay in dhaawac Haweeneyda loo soo qaaday mid ka mid ah Isbitaalada ku yaala Muqdisho waxaana uu intaasi ku daray in ay ku raadjoogaan Kooxihii falkan fuliyay.

Ugu dambeyn Ciidamadan Burcada ah ayaa Gaariga weerar isagoo ku sii jeeda Degmada Qoryooley ee Gobolka Sh.Hoose waxaana Gaariga uu sidoo kale Rakaab ka soo daabulay Magaalada Afgooye, laakiin waxaan la ogeyn sababta keentay in la Dilo lana dhaawaco Nin iyo Xaaskiisa oo ku jira Aroos.
kkkkkkkkkkk
Idale News Online, Afgooye.