Afgooye: Askari tirsan Ciidamada Dowladda soomaliya oo Dilay Shan Askari Kale.

0
216

Askari ka tirsan Ciidamada Birmadka Soomaaliya ayaa Xalay Rasaas ku Furay Ciidamo kale oo ka tirsan Kuwa Birmadka oo ku sugnaa Degmada Afgooye.

Teaser Image Afgooye: Shan ka tirsan Ciidamada Dowladda oo  DilayRasaasta ayaa waxaa ku Geeriyooday 5 Askari,ayadoona ay ku dhaawacmeen ilaa Sideed kale oo Dhamaan ka mid ahaa Ciidamada Birmadka Soomaaliya.

Gudoomiyaha Degmada Afgooye ayaa Warbaahinta  u sheegay in Askariga uu Ciidamada oo ku sugan Goob Saldhig ah islamarkaana uu  ka mid ahaa uu Rasaasta la Dhacay,waxaana uu Xaqiijiyey Geerida 6 Askari iyo Dhaawaca 8 kale,Lixda Askari ayaa waxaa ka mid ah Askarigii Ciidamada laayey,kaas oo uu dilay Askari kale.

Gudoomiyaha Degmada Afgooye  Xaaji Gaaboow ayaa sheegay in aysan Garaneen Ujeedka Askarigaan uu Ciidamada u laayey,laakiin ay Baaritaano ku wadaan.

Warar aan la Xaqiijin ayaa sheegaya in Askariga wax dilay uu hore oga mid ahaa Maleeshiyada Al-shabaab,kaas oo Sanadkii 2013 Ciidamada Dowladda Soomaaliya isku soo dhiibay.

Idale News  Online – Afgooye