Afar qof oo siyaabo kala duwan loogu dilay gudaha Suuqa Bakaaraha ee magaalada Muqdisho galabta

0
196

Ilaa afar ruux ayaa galabta siyaabo kala duwan loogu dilay Suuqa weyn ee Bakaaraha, iyadoo dil wadareedkan uu noqonayo kii u horeeyay oo mar qura suuqa ka dhaco, xilli mudooyinkan uu soo badanayay dilalka ka dhacayay suuqa bakaaraha.

Sida ay sheegayaan wararka afarta ruux ee la dilay ayaa ahaa kuwo dhar caadi watay oo aan dharka ciidamada xirneyn, marka la eego in maalmihii u dambeeyay suuqa lagu bartilmaameedsanayay ciidamada dowladda.

Labo ka mid ah dadka la dilay ayaa abaarihii salaadii casir lagu qaarijiyay Suuqa Cabdalla Shideeye, halka labada kale lagu kala dilay Suuqa daawada iyo Boosteejada baabuurta Dayniile.
dilqorsheysan
Qof goobjooge u ahaa mid ka mid ah dilalkaas oo diiday in magaciisa la adeegsado ayaa sheegay in dadka la dilay ay ahaayeen dad caadi ah, hase ahaatee aanay kala garaneyn inay ciidan ahaayeen iyo in shacab ahaayeen.

Maalmo ka hor ayay aheyd markii askari lagu dilay mid kalena lagu dhaawacay nawaaxiga suuqa Ariga lagu iibiyo ee suuqa bakaaraha.

In ku dhow toban ruux ayaa lagu dilay suuqa maalmihii u dambeeyay, kuwaasoo ay ku jireen ciidamo ka tirsan dowladda.

Suuqa bakaaraha ayaa waxaa ku yaala labo saldhig ay ku leeyihiin Ciidamada nabadsugida iyo Booliska, waxaana tan iyo markii ay dhalatay bishan Ramadaan ku soo badanayay dilalka qorsheysan.

Idale News Online Mogadishu, Somalia