Af hayeenka Barlamaanka oo u yeerey in ka badan 100 xildhibaan oo dibada ku maqan iney ka soo qeyb galaan Ansixinta Golaha Cusub ee Wasiirada

0
208

Gudoomiyaha barlamaanka ayaa kulankii ugu dambeeyey ee barlamaanku yeeshey kaga codsadey xildhibaanada dibada ku maqan oo kor u dhaafaaya 100 xildhibaan in ay dib dalka uga soo noqdaan si shaqada badan ee barlamaanka hortaala oo ay ugu horeyso ansixinta golaha wasiirada u guda galaan.

Codsigaan ayaa yimid ka dib markii magaalada Muqdisho ay ka bilowdeen is gaashaanbuursi u dhaxeeya xildhibaanada ogol iyo kuwa diidan ansixinta golaha cusub ee xukuumada Ra’iisul Wasaare Cabdi Faarax Shirdoon.

Madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaaraha ayaa bilaabey balanqaadyo xilal dhowr iyo bixinta lacago lagu soo jiidanaayo xildhibaanada kuwooda diidan golaha cusub. 173 xildhibaan ayaa la sheegayaa in ay joogaan gudaha dalka kuwaasoo daruufo dhaqaale ay la soo daristey tan iyo dhamaadkii bishii August oo la dhisey barlamaanka Federaalka Soomaaliya. halka in ka badan 100 xildhibaan dib ugu laabteen qoysaskooda dibada ku nool oo ay in muddo ah kala maqnaayeen.

Go’aanka Guddoomiyaha Barlamaanka Mudane Jawaare ee ku saabsan u yeerista Xildhibaanada ayaan la ogeyn inuu uu taageero ugu raadinaayo ansixinta xukuumada cusub iyo in kale, balse warar hoose ayaa sheegaaya in Gudoomiyaha Barlamaanku uusan ka qeyb aheyn kulamada madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaaruhu la yeeshaan xildhibaanada ku sugan barlamaanka, hase ahaatee u muuqda masuul aan la dhacsaneyn waxa socda balse jecel inuusan ka hadlin.

Idale News Muqdisho