Admiral Max’ed Max’ud Xaydh oo ahaa xildhibaan ka tirsan Barlamaanka Soomaaliya oo Muqdisho lagu dilay

0
206

Rag hubaysan ayaa goor dhowayd  magaalada Muqdisho ku dilay allaha u naxariistee Xildhibaan Maxamed Maxamuud Xayd oo ka mid ahaa Baarlamaanka federalka Soomaaliya. Admiral Xaydh oo ka mid saraakiishii sare sare ee dowladii militariga, aadna loogu tiriyo inuu ka mid ahaa saraakiishii ugu aqoonta badaneyd dalka ayaa dilkiisa waxaa aad ugu naxay dadka Soomaaliyeed oo iyaga waayey aqoonyahano badan oo dadka iyo dadka Soomaaliyeed meel weyn uga jiray.

Xildhibaanka ayaa lagu dilay degmada Xamar weyne gaar ahaan Hotel lagu magacaabo Centeral  oo u dhaw Taalada Xaawo Taako ee Magaalada Muqdisho.

XAYD

Dilkiisa waxaa xaqiijiyay xildhibaano katirsan barlamaanka Soomaaliya oo lahadlay warbaahinta, waxayna sheegeen inuu sidoo dhaawacmay xildhibaan kale oo magaciisa lagu sheegay C/llaahi Axmed Coonka.

falka lagu beegsaday xildhibaanada waxaa ka dambeeyay koox hubaysan oo wadatay gaari nuuca raaxada ah. Waxaana loo maleenayaa inuu falkana ku dhintay askari katirsan ciidanka dowladda.

Ma ahan xildhibaankii ugu horeeyey ee lagu dilo magaalada Muqdisho waxaana tani ay ka dhigeysaa xildhibaankii 4aad ee lagu dilo magaalada Muqdisho waxaana dil hore magaalada Muqdisho loogu geystey Xildhibaanada kala ah C/casiis Afaraad, Xidlhibaan Faysal, iyo xidlhibaan Shariif Riinow.

Ma jiro talaabo ay dowlada federaalka ay wax uga qabaneyso falalkaan soo noqnoqdey ee lagula kacaayo xildhibaanada, waxayna tani ku soo aadeysaa iyadoo dowladu ay sheegtay in ay ilaalo gooni ay siin doonaan dhamaan xildhibaanada ku harsan magaalada oo badi ay cabsi darteed banaanka u wareegeystaan.

Idale News Online