Abwaan Soomaaliyeed oo Muqdisho Lagu Dilay Gabaldhicii Maanta

0
234

Waxaa caawa maqribkii magaalada Muqdisho gaar ahaan degmada Waabari lagu dilay Abwaan Warsame Shire Cawaale oo ka mid ahaa abwaanada sida weyn looga yaqaan magaalada Muqdisho.

Abwaanka ayaa lagu soo waramayaa in ay dileen kooxo hubeysan kuwaasoo ku toogtay isagoo ku sii jeeda gurigiisa sida uu sheegeywariye maxali ah oo ka tirsan Idaacadda Kulmiye oo uu abwaanka la shaqeynayey oo dilkiisa ka dib u waramayey mid ka mid ah idaacada Muqdisho.

Abwaanka ayaa la sheegay in uu waayihii dambe ka tirsanaa shaqaalaha Idaacadda Kulmiye oo ka mid ah Idaacadaha sida gaarka loo lee yahay ee ku yaalla magaalada Muqdisho.  Waxaana jiray suugaan iyo sheekooyin masraxiyad ah oo uu abwaanka ka sameeyay marxalada dalka ku jiro oo idaacadda ka bixi jiray.

Allah ha u naxariistee abwaan Warsame Shire waxaa uu ka mid ahaa aas aasayaashii kooxda fannaaniinta Onkod ee ciidanka Asluubta Soomaaliyeed oo uu ilaa hadda uu ka tirsanaa.  Wuxuu lahaa heeso fara badan oo qaarkood wadaniyada ku saabsanaa.

Abwaanka waxaa uu guursaday labo xaas, wuxuuna ifka kaga tagay carruur tobaneeyo dhan oo qaar waaweyn ay ku jiraan.   Gabar uu dhalay oo lagu magacaabo Ayaan Warsame Shire ayaa ka mid ah fannaaniinta cusub ee dhowaan fanka bilaabay.

Idale News Muqdisho