Abuu Muscab Oo Sheegay Inay Kordhiyeen Weerarada Ay Ka Wadaan Dalka Kenya

0
233

Muqdisho(INO)-Sheekh C/casiis Abuu Muscab, Afhayeenka Ciidamada Ururka Al Shabaab, ayaa waxa uu ku faanay inay kordhiyeen weerarada ay ka geysanayan dalka Kenya, isagoona Kenya ku eedeeyay inay ku soo xadgudubtay dalka Somaliya.

“Way kordheen weerarada ka dhacaaya dalka Kenya, waadna aragtaan baqdinta heysata. Iyagoo nabad ku joogga dalkooda, ayay ku soo xadgubee dalkayaga, wayna guranayan miraha ay ka helayn.” Ayuu yiri Sheekh C/casiis Abuu Muscab.

Afhayeenka, ayaa qeexay waxa keenay inay kordhiyaan weerarada ka dhanka ah dalka Kenya, inay tahay Shabaabka oo doonaaya inuu ka guuleysto waxa uu ugu yeeray cadowga iyo iyagoo doonaaya inay Shahiidaan.

“Inay kordhaan weerarada ka dhanka ah cadowga Kenya, waxaa u sabab ah laba arrimood. Midda 1-aad waa Mujaahidiinta oo doonaaya inay ka guuleystan cadowgooda iyo 2-aad oo ah inay Shahiidaan.”  Ayuu yiri Afhayeenka Ciidamada Al Shabaab.

Sheekh C/casiis Abuu Muscab, ayaa ku waramaya ka dib geeridii Axmed Cabdi Aw Maxamed (Godane), loo heystay inay burburi doonaan Shabaabka ka dagaalamayan dalka Somaliya, balse aynaan taasi noqon, sidii loo maleynaayay.

“Maalintii uu Shahiiday Sheekh Mukhtaar Abuu Zubeyr cadowgu wuxuu lahaa way burburi doonaan, mana burburin waadna aragtaan waxa ka dhacaaya Kenya. Weerarkii ugu dambeeyay ee Garissa ka dhacay waxaad aragteen in Kenyatti badan lagu laayay.” Ayuu yiri Afhayeenka oo u waramay Warbaahinta Al Shabaab.

Abuu Muscab, ayaa ku cago jugleeyay inaanay u turi doonin shacabka dalka Kenya, ilaa iyo inta Ciidanka Difaaca Kenya, ay jooggaan qaybo ka mid ah Gobolada Jubbada Hoose iyo Gedo.

Idale News Online, Muqdisho

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here