Abu Musab al-Barnawi oo loo magacaabay Hogaamiyaha Ururka Boko Haram

0
196

Abujja(INO)- Abu Musab al-Barnawi, ayaa waxaa si rasmi ah loogu magacaabay Hogaamiyaha Ururka Boko Haram, oo ka dagaalama Wadanka Nigeria iyo qaybo ka mid ah Galbeedka Qaaradda Afrika.

Muuqaal ay Arbacadii soo saartay Daacish, ayay ku sheegtay in Abu Musab al-Barnawi uu yahay hogaamiyahooda cusub, ee garabkooda ka dhisan Galbeedka Afrika (Boko Haram).

Muuqaalkan, ayaa waxaa lagu soo bandhigay waxa ay Daacish ku sheegtay wareysigii ugu horeeyay, ee laga qaado Abu Musab al-Barnawi.

Ma cadda halka uu ku dambeeyay hogaamiyihii hore ee Ururka Boko Haram, Abubakar Shekau. Boko Haram waxay sanadkii hore shaacisay inay ku biirtay Ururka Daacish.

Abubakar Shekau, ayaan tan iyo bishii August ee sanadkii hore soo saarin wax muuqaal ah, iyadoo leesla dhex maraayay in la qaarajiyay.

Muuqaal uu bishii January ee sanadkii 2015-ka ka soo muuqday Abu Musab al-Barnawi, ayuu isu sheegay inuu yahay Afhayeenka Ururka Boko Haram, waana ka hor intii aanay Boko Haram shaacin ku biiristeedii Ururka Daacish (Dowladda Khilaafada Islaamka).

Al-Barnawi waxaa uu iminka u muuqdaa inuu bedeli doono hogaamiyihii mayalka adkaa ee isaga ka horeeyay.

Ciidamada Militariga Nigeria oo gacan ka helaaya dalalka Galbeedka Afrika qaarkood, ayaa muddooyinkii ugu dambeeyay baacsi ku haayay Xoogaga Boko Haram.