Daawo: Abaanduulaha Ciidanka Xooga Dalka Oo Booqday Deegaano ka Tirsan Gobolka Sh/dhexe

0
386

Jowhar (INO)-Abaanduulaha ciidanka xooga dalka Soomaaliya S/Guuto Cali Baashi Max’ed ayaa kormeer ku tagay deegaano iyo degmooyinka ka tirsan gobolka Shabeela dhexe, isagoo u kuurgalay xaaladda ciidamada xoogga dalka Soomaliyeed ee howlgallada ka wado gobolka Sh/dhexe.

Abaanduulaha ayaa dadkii uu kula kulmay deegaanada iyo degmooyinka uu booqday kula dardaarmay in la shaqeeyaan ciidanka xooga dalka si looga itaal roonaaday wuxuu ugu yeeray kooxo qaswadayaal ah oo diidan xasiloonida dalka,isagoo dhanka kale ciidanka xooga dalka ku booriyay iney u turaan shacabka oo la yeeshaan wada shaqeyn wanaagsan.

Wuxuu sheegay Abaanduulaha ciidanka xooga dalka S/Guuto Cali Baashi Max’ed ayaa ciidanka xooga dalka ee uu ku soo arkay deegaanada uu booqday ku bogaadiyay siday heegan ugu yihiin raadinta nabad waarta oo ah tilaabadda ugu muhimsan oo horumar ku gaari karaan ummadda Soomaaliyeed.

Wuxuu intaasi raaciyay abaanduulaha in taliska ciidanka xoogga dalka Soomaliyed uusan u ogolaan doonin cadowga inay joogan gudaha dalka, asago sheegay iney sii socon doonaan howlgallada, tan iyo inta dalka oo dhan laga sifeynayo maleeshiyaadka Shabaab.

Jeneraal Cali Baashi Maxamed ayaa sidoo kale kulamo la yeeshay saraakisha Ciidamadda XDS , Booliska, Nabad sugidda iyo kuwa AMISOM ee ku sugan magaaladda Jowhar asago kala hadlay sidi loo adeyn lahaa amniga Magaaladda Jowhar inta uu socodo shirka maamul u sameynta Goboladda Sh/dhexe iyo Hiiran.

Safarka Abandulaha Ciidanka XDS waxaa kt weheliyay taliyaha Guutada 1aad G/Sare Ibraahim Yusuf iyo sarakiil kale oo ka tirsan Taliska Guud ee XDS.

IMG_CFCB21-043C47-CD9B60-A0BA17-B955CF-74B82FIMG_442688-711EDD-6B5097-5B5A48-D9C4CF-8EBDA6IMG_5DC217-2E443D-97686C-FDC106-A7B5EA-B5A6F5IMG_0C5D97-1B8E6C-104DCD-F573D2-102BEC-F64584IMG_CFCB21-043C47-CD9B60-A0BA17-B955CF-74B82F

Idale News Online, Jowhar

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here