Aadan Saransoor “IGAD Dhex Dhexaad Kama Ahan Waxa Ka Socda Ceelbarde”

0
205

Baydhabo(INO)— Xildhibaan Aadan Maxamed Nuur (Saransoor) oo ka mid ahaa Xildhibaanadii dhowaan gaaray degmada Xudur ee Gobolka Bakool ayaa ku eedeeyay Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka ay xiisad ka abuureen degmada Ceelbarde, halkaasoo dhowaan looga dhawaaqay Maamul lid ku ah kan Koofur Galbeed Soomaaliya.

Aadan Saransoor ayaa sheegay inay u joogaan Xudur sidii ay degmada Ceelbarde u aadi lahaayeen, si ay xaliyaan xiisada ka jirta oo aan shacabka colaad laga dhex abuurin.

“Waxaa rabnaa inaan dhowaan u baxno Ceelbarde oo aan shacabka u sheegno inaan colaad laga dhex abuuran, halkaas waxaa tagay Xildhibaan xiisad ayayna ka abuureen”ayuu yiri Xildhibaan Saransoor oo intaa ku daray in Xildhibaanadaas ay qaab qabiil maamul uga dhawaaqeen deegaanka.

Sidoo kale waxaa uu ku eedeeyay Urur Goboleedka IGAD in aysan dhex dhexaad ka aheyn waxa ka taagan Ceelbarde, isagoo tilmaamay in qaarkood ay mas’uul ka yihiin dhismaha Maamulka Bakool Sare.

“Ceelbarde dhibaato ayaa ka taagan, xildhibaanno qaran baa halkaasi tagay xiisad bay meesha ka abuureen qabiil ahaan bay u tageen, dadkii deegaanka lama aysan wada hadal oo dhibaato ayay ka wada dhex abuureen, degmada waala wada deggan yahay shaqsi ama qabiil kaliya maamul ma sameysan karo”ayuu yiri Aadan Saransoor.

Warar soo baxayay ayaa sheegaya in Xildhibaanada ku sugnaa Xudur loo diiday inay tagaan Ceelbarde, inkastoo qaar ka mid ah Xildhibaanada ay beeniyeen warkaas.

Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya ayaa todobaadkii hore Maamul la magac baxay Bakool sare kaga dhawaaqay Ceelbarde, iyadoo maamulkaas Madaxweyne looga dhigay Axmed Mashruuc.

Ugu dambeyntii, Maamulka looga dhawaaqay Ceelbarde ayaa waxaa aqoonsaday Maamulada Puntland iyo Jubba, iyadoo Dowlada Koofur Galbeed uu si kulul uga soo horjeestay, kuna tilmaamay maamul aan sharci aheyn.

Halkan Ka Dhageyso

Idale News Online, Baydhabo

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here