Aadan Isaaq Cali Oo Ku Guuleystey Kursiga Aqalka Hoose Ee Beesha Maclinweyne Ee Jubbaland

0
218

Baydhabo(INO)- Waxaa  Magaalada Kismaayo Ee Xarunta Gobolka Jubbada Hoose ka soconaya doorashada Aqalka Hoose Ee BFS 2016, Isla markaana waxa Goordhow Aadan Isaaq Cali uu Ku guuleystey Kursiga Beesha Maclinweyne oo yaala Jubbaland.

Isagoona Heley 40 cod  isla markaana waxa uu ka adkaadey Isaaq Horow Xasan iyo Cabdi Xasan Cabdi.

Mudane Aaden Isaaq waa qof dhalanyaro ah oo waxbartey.

Doorashada Aqalka Hoose ee maanta ka dhacday Kismaayo ayaa aheyd wajigii afaraad, iyadoo la soo gaba gabeeyay, waxaana maanta la doortay illaa Lix xubnood oo uu ku jiro Aaden Isaaq Cali.

Dhinaca kale, Wakiilka gudiga qaran ee doorashooyinka dadban ee Jubaland ayaa beeniyay warar lagu baahiyay baraha ay bulshada isticmaasho oo sheegayay in ciidamo gadoodsan ay la wareegeen hoolka ay ka socoto doorashada, isagoo sheegay in wararkaasi ay yihiin kuwo been abuur ah.

“Doorashada waad u jeedaan si qurux badan ayay noogu soo dhamaatay, wararkan la sheegayana waxba kama jiraan, hadayse run yihiin miyay halkan doorasho ka dhici lahayd,” sidaa waxaa yiri C/casiis oo warbahinta la hadlayay.