Gudoomiyaha Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari ayaa maanta xafiiska ku qaabilay Gudoomiyeyaasha Baarlamaannada Puntland iyo Galmudug oo maalinnimadii shalay aheyd soo gaaray magaalada Muqdisho.
Ugu horeyn Gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Mudane Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari ayaa uga mahad celiyey Gudoomiyeyaasha Baarlamaannada maamul goboleedyada Puntland iyo Galmudug sida ay ugusoo jawaabeen marti qaadka uu Baarlamaanka Soomaaliya u sameeyey waxaana mahad celintaasi kadib uu Gudoomiyuu ka dhageystay gudoomiyeyaasha Baarlamaannada labada maamul goboleed sida ay howlahooda u socdaan.
Gudoomiyaha Baarlamaanka maamul goboleedka Soomaaliyeed ee Puntland Mudane C/rashiid Maxamed Xirsi oo kulanka ka hadlay ayaa ka warbixiyey sida ay u socdaan shaqooyinka Baarlamaanka Puntland waxaana uu xusay in howlaha Baarlamaanka Puntland ay hada kuwo u socda si wanaagsan waxaana uu dhanka kale Mudane C/rashiid Maxamed Xirsi uu tilmaamay in ay aad ula dhacsanyihiin sida xiligan uu u shaqeynayo Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.
Sidoo kale Gudoomiyaha Baarlamaanka maamul goboleedka Galmudug Mudane Xasan Maxamed Hey loo isaguna dhankiisa kulanka ka hadlay ayaa si lamid ah ka warbixiyey sida uu xiligan u shaqeeyo Baarlamaanka Galmudug oo uu tilmaamay iney dhowaan doorteen Madaxweynaha maamulkaasi, dhinaca kalena waxa uu soo dhaweeyey hormarrada sii kordhaya ee uu ku talaabsanayo Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.
Gudoomiiyeyaasha Baarlamaannada maamul goboleedyada Puntland iyo Galmudug ayaa shalay soo gaaray magaalada Muqdisho waxaana ayaga oo ay wehliyaan Xildhibaanno ka kala tirsan Baarlamaannada labada maamul goboleed ay Muqdisho ku yimaadeen casuumaad uu u fidiyey Gudoonka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.
Wafdigan caawa waxa ay casho sharaf la qaadan doonaan Gudoomiyaha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari ayadoo casho sharaftaasina ay kasoo qeybgali doonaan Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo Ra’isulwasaaraha Dalka Mudane Cabdi Faarax Shirdoon (Saacid)
Xigasho RM