Afhayeenka maamulka Jubbaland Cabdinaasir Seeraar Maax oo saxaafada uga warbixiyay dagaalkii maanta ka dhacay Kismaayo ayaa sheegay in baryahanba ay daandaansi abaabul wadeen rag laga soo tuuray Xamar iyo Alshabaab oo magaalada carqalado ku waday.
Afhayeenka wuxuu sheegay in ragaas isku dayeen in khal khal galiyaan amniga magaalada in muda ahna uu maamulku indhaha ka hayay.Cabdinaasir Seeraar wuxuu sheegay in kooxahaas ay maanta shir qabteen oo ay dagaal iclaamiyeen markaa ka dibna uu dagaalku qarxay. Afhayeenku wuxuu sheegay in kooxahaas la isugu geeyay qeyb kamida xaafada guulwade ayna rajeynayaan inay soo afjaraan.
Cabdinaasir Seeraar wuxuu sheegay in magaalada laga nadiifin doono cid ale cidii kasoo horjeeda maamulka Jubbaland.Wareysiga Afhayeenka oo dhameystiran hoos ka dhagayso
[audio:http://dhanaan.com/dhanaan/wp-content/uploads/2013/06/warbixinta-Seeraar-ee-dagaalka-Kismaayo-.mp3]
Idale News Online