Beelaha Mudulood oo weli ku kala qeybsan 15kii xubnood ee beeshaasi lahayd

0
248

Khilaaf xoog leh ayaa ka taagan xubinimada Baarlamaanka ee Beesha Mudullood, iyadoo uu maanta fashil ku dhamaaday kulan waxgaradka iyo odayaasha ay ku yeesheen magaalada Muqdisho, kaasoo ujeedadiisa aheyd sidii Beesha isugu qancin laheyd xubnaha uga mid noqonaya Baarlamaanka.
Inkastoo aan wali la gudbin liiska Xildhibaanimo ee Beesha ayaa hadana waxay wali ka dhex tolan tahay jufooyinka Beelaha oo ay shaqsiyaad fara badan ay u kala ordayaan Xildhibaanimada Baarlamaanka. Beesha Mudullood ayaa waxaa soo gaartay 15-xubin oo ka mid ah 61-xubnood ee Beelaha Hawiye ay dhexda ku kala dhufsadeen, waxaana wali la heyn tiro rasmi ah oo la gudbiyay, waxaana arrintan ay noqotay mid murjisay habka xulista baarlamaanka oo walaaca ugu badan ka jiro Beesha dhexdeeda.

Gudiga farsamada ee soo xulista Baarlamaanka ayaa sheeay in beelo qaar aysan soo gudbin liiska Xildhibaanada, iyagoo cadeeyay inay jiraan is heysi beelaha dhexdooda ah.

Cabashooyin dhowr ah ayaa la gaarsiiyay Gudiga Xalinta khilaafaadka ee Odayaasha, waxaana cabashooyinkaas qeyb ka ahaa xubno la qoray oo la sheegay in si horu dhac ah loogu sheegay inay yihiin Xildhibaano, hase ahaatee ay ka biya diidan yihiin jufooyinka qaar.

Madaxweynaha Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed ayaa la filayaa inuu soo fara geliyo muranka ka jira Xildhibaanimada Baarlamaanka ee Beesha Mudullood, waxaana Odayaasha dhaqanka ee ku howlan soo xulista ay ka cabanayaan fara gelin, halka Odayaasha qudhooda eedeyn xoog leh loo jeedinayo oo ku aadan shaqsiyaad lacago siiyay, si ay Xildhibaan uga dhigaan.

Hotelada Muqdisho iyo Xarumaha dowladda ayaa waxaa hareeyay khilaafka iyo muranka ka taagan xubinimada Baarlamaanka oo beelaha ay aad isugu heystaan, waxaana beel walba ka socda dad ku dhow tobaneeyo oo kaliya laga rabo hal xubin.

Xafiiska Warqabadka Idalenews Mogadishu
Siyad Macalin Axmed
email: siyad_macalin@hotmail.com