Madaxweyne Xassan Sheikh oo ka hadlay qadiyadda Dowladda ee Maamulka Somaliland

0
175

dtydjr65r45498875534dwetew5dce4

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somalia Md. Xassan Sheikh Maxamuud, ayaa waxa uu ka hadlay Aragtida Xukuumadda eek u aadan qaddiyadda Maamulka Somaliland.

Madaxweyne Xassan waxa uu sheegay in Dowladda Somalia aysan ka gaabin doonin wadida wada-xaajoodka kala dhexeeya Maamulka Somaliland.

Madaxweynaha oo Habeennimadii xalay Khudbad ka jeediyay Munaasabadda xuska 26-ka June ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya ay sii wadi doonto wada hadalladi ay la lahaayeen Maamulka Somaliland.

Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya ay diyaar u tahay wax kasta oo lagu soo celin karo midnimada Soomaaliya, isagoona sheegay in Dowladda Somalia ay raali galin doonto Shacbiga Somaliland.

Madaxweynaha ayaa ugu baaqay maamulka Somaliland in la iska kaashado waxyaabaha aan siyaasadda mudnayn sida amniga iyo arrimaha bulshada.

‘’Dowladda waxa ay wadaa qorsho lagu xoojinaayo wada-xaajoodka Xukuumadda iyo Maamulka Somalia, waxa ayna dowladu diyaar u tahay iney raali galiso Shacbiga reer Somaliland’’ ayuu yiri Madxaweyne Xassan Sheikh.

Ugu dambeyntii, Madaxweynaha waxa uu Tilmaamay in lagama maarmaan tahay in labada dhinac ay wada xoojiyaan Siyaasadda six al looga gaaro Khilaafaadka taagan.

Idale News Muqdisho