Weerar Gaadmo ah dhaliyayna dhimasho iyo dhaawac oo lagu qaadey ciidamada dowlada ee gobolka Bay

0
175

Wararka ka imaanaya Gobolka Baay ayaa sheegaya in Ciidamo ka tirsan dowladda Soomaaliya oo gadood ahaa lagu qaaday weerar dhaliyay dhimasho iyo dhaawac, kadib markii ay kamiin u dhigeen xoogag ka tirsan Shabaab.
Wararka ayaa sheegaya in ciidamadan gadoodka ahaa ay ka yimaadeen degmada Qansaxdheere, iyadoo jidka loogu galay inta u dhaxeysa Awdiinle iyo Qansaxdheere ee Gobolka Baay.

ciidanka-dowladaSom

Inta la og yahay lix ruux ayaa ku dhimatay, sagaal kalena waa ay ku dhaawacmeen weerarkaas lagu qaaday gaari dagaal ay la socdeen ciidamada dowladda Soomaaliya.

Ciidamo ka tirsan AMISOM oo fariisin ku leh deegaanka Awdiinle ayaa u soo gurmaday ciidamada jidka loo galay, iyadoo meydadka askarta la geeyay deegaanka, halka dhaawacana loo gudbiyay Isbitaalka Baydhabo.

Isbitaalka Baydhabo ayaa lagu soo waramayaa in saraakiil ka tirsan dowladda ay ku sugan yihiin, iyagoo u tagay si ay u arkaan dhaawacyada la geeyay.

Deegaano ka tirsan Gobolka Baay ayaa waxaa ka dhacayay maalmihii u dambeeyay weeraro ay Al-Shabaab ku qaadayeen, iyadoo weerarkan uu yahay kii ugu xumaa ee qasaare xoogan ka soo gaara ciidamada dowladda.