Kulan looga hadlayay sidii Bulshada rayidka uga qeyb qaadan lahaayeen ammaanka oo Muqdisho ka dhacay (Sawirro)

0
182

Kulan looga hadlayay sida Ururada bulshada rayidka uga qeybq aadan karaan dadaalada dowladda ku sugeyso ammaanka iyo is dhex galka ayaa maanta ka dhacay magaalada Muqdisho, iyadoo kulankan ay ka soo qeyb galaan Odayaasha dhaqanka, nabadoono, haween iyo dhalinyaro.

Kulankan oo ay soo qaban Hey’adda wada hadalka bulshada ee CCD ayaa waxaa uu qeyb ka ahaa kulamo si is-daba joog ah oo ay hey’adu u qabaneysay qeybaha kala duwan ee bulshada sida haweenka, culumaa’udiinka, dhalinyarada iyo odayaasha dhaqanka.

Ugu horeyn ayaa waxaa kulankan furay Gudoomiyaha Dallada Ururada bulshada rayidka Muxiyadiin Xasan Afrax, isagoo sheegay in bulshada looga baahan yahay inay is abaabusho, isla markaana ay dib boorka looga jafo kaalintooda kaga aadan wacyi gelinta, ka shaqeynta ammaanka iyo sidii ay isugu xirmi lahaayeen.

“Bulshada rayidka waxaa laga rabaa inay is abaabusho, oo kaalintooda la soo baxaan, waxaa la rabaa inay ciidamada ammaanka nabada gacan ku siiyaan, iyo kooxaha nabada diidan ay xaafadaha iyo guryaha ka soo dhex saaraan, Al-Shabaab dagaalkii tooska waa looga adkaaday, inay is qariyaan ayay bilaabeen oo bulshada ku dhex dhuuntaan, waxaan rabnaa inaad ka hortagtiin qaraxyada xaafadaha laga soo abaabulo”ayuu yiri Muxiyadiin Xasan Afrax.

Muxiyadiin Xasan Afrax ayaa sheegay in horay bulshada gobolka banaadir uga qeyb qaataan dagaalkii Al-Shabaab looga saaray Muqdisho, haatana ay doorkooda soo celinayaan, si dowladda ay kala qeyb qaataan ammaanka iyo xasilinta.

Iimaam Maxamed Yuusuf oo kulanka ka hadlay ayaa ku ammaanay Hey’adda CCD kulankan ay soo agaasintay oo ay bulshada ka wada qeyb gashay, isagoo tilmaamay in loo baahan yahay wada tashi si dhibaatada jirta difaac looga geli lahaa.

“Meesha dhib nooga imaanayo waxaa la rabaa inaan ogaano, oo aan ciidamada gacan ku siino, amnigana kala shaqeyno, aan is kaashano, aan iska warqabno, bulshada ha ogaato in dhibaatadan looga bixi karo in la isku duubnaado, dalka iyo diintana aan daafacno”ayuu yiri Iimaam Maxamed Yuusuf.

C/kariin Cabdulle Cali oo ah gudoomiyaha gudiga dhalinyarada ee Dallada bulshada rayidka ayaa sheegay in loo baahan yahay in la sameeyo wacyi gelin badan, isla markaana bulshada ay mar walba u taagnaato sidii ay uga qeyb qaadan laheyd sugida ammaanka.

Ruqiyo Cali Cabdulle oo iyana ka hadashay kulanka ayaa sheegtay in 20-kii sano ay ururada bulshada rayidka ka qeyb qaadanayeen xalka umada, iyadoo xustay in bulshada laga rabo in xiriir joogto la sameeyaan dowladda, isla markaana la yimaada wacyi gelin iyo wax toosin bulshada dhexdeeda, ayna ka soo baxaan bulshada dhexdeeda dad fir fircoon oo ka qeyb qaadan kara nabada.

Faadumo Aadan Cosoble ayaa sheegtay in bulshada looga baahan yahay inay isku xir sameeyaan, isla markaana xaafadaha laga abaabulo deriseyn, lana helo kalsooni ay ku wada shaqeyn karaan, si looga hortago dadka amni darada sameynaya ee ku soo dhex dhuumanaya, iyadoo ugu baaqay inay wada shaqeeyaan maamulada degmooyinka iyo bulshada si ay isaga kaashaan nabadgelyada.

Intii uu socday kulankan ayaa waxay is weydaarsadeen qeybaha kala duwan ee bulshada talooyin iyo fikrado la xiriira sidii dadaalada dowladda wado ee ay ku sugeyso amniga uga qeyb qaadan lahaayeen, isla markaana la joogteeyo kulamada ceynkan oo kale ah si loogu dhiira geliyo qeybaha kala duwan ee bulshada.

Ugu dambeyn ka qeyb galayaasha kulanka ayaa ku amaanay hey’adda CCD inay sii joogteyso kulamada iyo wacyi gelinta qeybaha bulshada, iyadoo wadciga lagu jiro loo baahan yahay in bulshada la xoojiyo.

DSC09548

DSC09550

DSC09551

DSC09562

DSC09569

DSC09571

DSC09595

DSC09598

DSC09635

I