Wadada isku xirta Xamar iyo Afgooye oo 22 sano aan helin wax dayactir ah, burbur baaxad wayn soo gaarey isla markaasna rakaabka iyo gaadiidka isaga kala goosha magaalada Muqdisho iyo Afgooye iyo guud ahaan gobollada Koonfureed dhib aad u weyn ku qabeen ayaa waxaa markii ugu horeysey muddo 22 sano ah lagu bilowdey dayactir ay Ciidamada AMISON ee deegaanadaas xarumo ku leh fulinayaan sidii ay u labeelayn lahaayeen ama ay u buuxin lahaayeen hogaga ka qodmay bartamaha wadadaas oo gebi ahaanba noqotey mid gaadiidka ku socdaala jidkaas ay waqti badan ku qaadato iney gaaraan bartilmaameedkooda.
Wadaas oo hadda uu ku socdo dayactir balaaaran oo ay wadaan ciidamada AMISON ayaa gabagabo ku dhow, waxaana dayactirka waadadaasi ay gaadiidka iyo rakaabta ku socdaala wadadaas siinaysaa muhiimad aad u weyn sida inay waqti gaaban ku gaaraan halkii ay bartilmaameedkoodu ahaa.
Idale News Online