Dab Khasaara hantiyeed geystay oo ka kacay suuqa weyn ee Gaarisa

0
188

uuiiiiu

Warka ka imaanaya Magaallada Gaarisa ayaa  sheegayaa in dab xooggan uu ka kacay suuqa Gaarisa ee Gobalka Waqooyi Barri Kenya.

Boqolaal qof ayaa isugu soo baxay Habeennimadii xalay suuqa gubtay ee ku yaalla Magaalada Gaarisa, waxaana lagu soo warramayaa in dabka uu baa’iyay hanti badan oo halkaasi tiilay.

Ma jito illaa hadda mac luumaad xaqiijinaaya sababtii ka dambeysay gubashadda Suuqaasi, iyadoona daminta dabkaasi ay gacan weyn ka geysteen dadka Suuqaasi ku ganacsanaayay.

Ilaa hadda ma jirto inta uu la eg yahay Khasaaraha ka dhashay suuqa gubtay, waxaa kaloo aan la ogeyn in ay jiraan dad wax ku noqday iyo inkale.

Ma ahan markii ugu horreysay oo uu dab qabsado suuqa Magaalada Gaarisa ee gobalka Waqooyi bari Kenya waxaana jiray mararbadan uu dab xoogan ka kacay Suuqaasi.

Idale News Muqdisho