Maxkamadda Gobalka Mudug oo Xakun dil Toogasho ah riday

0
181

-0-0-0-0

Maxkamadda gobolka Mudug ee maamulka Galmudug ayaa waxa ay xukun dil ah ku ridday Duraan Maxamed Xasan oo lagu helay inuu horraantii bishan uu geystay dil.

Xeer ilaaliyaha maxakamadda goboloka Mudug ee maamulka Galmudug Maxamuud Cilmi oo Warbaahinta la hadlay ayaa waxa uu sheegay in maxkamadda ay xukunka u cuskatay aayadda 178-aad ee suuratul-Baqarah iyo aayadda 44-aad ee suuratul-Maai’ddah.

Maxamuud Cilmi wuxuu xaqiijiyay in Duraan oo maxkamadda la soo taagay 12-kii bishan June, isla markaana ay markhaatiyeyaal ku filan ay ku caddeeyeen fal-dambiyeedka.

Ugu dambeyntii Duraan Maxamed Xasan ayuu xeer ilaaliyaha sheegay in uu ku eedeysnaa in uu saddexdii bishan June nin ku dilay deegaanka Ceel Akhwaan.

Idale News Muqdisho