Dunidan aynu ku noolahay waxa ka jira tartamo ay dad badani ugu kala dheereeyaan inay ku kasbadaan rikoor, waxaanay taasi mararka qaarkood sababtaa in dadka qaar si ay rikoodh u gaadhaan ay ku kacaan waxyaabo aad uga yaabiya bulshada inteeda kale.
Ram Singh Chauhan oo (58-jir) ah, waxa uu rikoodhka dunida ku galay ninka ugu shaarubaha dheer dunida, ka dib markii shaarubihiisu noqdeen kuwo dherer ahaan isaga ka dheer.Sida lagu siiyay shahaadada buuga dhacdooyinka dunida ugu layaabka badan lagu qoro ee (Guinness Book Of Records), waxa uu ninkani leeyahay shaarubo dherarkoodu dhan yahay, afar mitir iyo sodon senti mitir, sidaas oo uu ku galay rikoodhka dunida.
Ninkaan oo lagu magacaabo Ram Singh ayaa ka hor intaanu galin buuga dhacdooyinka dunida shaarubihiisu soo shaac baxeen, ka dib markii uu ka qayb galay filimkii, (James Bond 007), ee magaciisu caanka ku ahaa, (Octopussy) oo la matalay sanadkii 1989, waxa kale oo uu ka qayb galay dhawr filim oo ay soo saartay shirkada filimada Maraykanka ee Hollywood.Ninkan oo ka waramaya sidii uu shaarubahan intaa leeg u dhaqday, ayaa sheegay in maalin kasta uu shaarubaha gadhkiisa maydhi jiray toban goor, ka dibna marin jiray saliida Jawsal Hindiga loo yaqaano ee la mariyo gadhka iyo timaha.Mar uu ka hadlayay saamaynta ay shakhsi ahaan ku yeelatay isaga dhaqashadan shaarubaha waaweyn ee dhaa dheer, ayuu tilmaamay inuu ku noqday qof caan ah oo laga wada bartay dalkiisa iyo meelo badan oo dunida ah, laakiin ay mararka qaarkood dhibaato ku noqdaan ilaalintooda iyo daryeelkoodu.
Idale News ONline